Xuska sanadka-guurada 94aad Ee Xornimada Dalka turkiga Oo Xamar lagu Qabtay.

Muqdisho(FMN)—Munaasabad lagu Xusayo sanad guurada 94aad ee kasoo wareegtay markii uu xornimadda qaatay Dalka Turkiga ayaa ka dhacday gudaha Safaaradda dalkaasi ku leeyahay Magaalada Muqdisho.

Munaasadda maanta waxaa  ka qeyb galay, Ra’iisul Wasaarah XFS Mudane;Xassan Cali Kheyre,Ra’isul-wasaare ku xigeenka dalka, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, Madaxweyne-yaasha dawlad gobolleedyada Soomaaliya iyo marti sharaf kale oo dhammaantood hambalyo ku aadan maalinta xoriyadda u diray dawladda iyo shacabka aynu walaalaha nahay ee Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane; Xasan Cali Khayre oo halkaasi Khudbad ka jeediyay ayaa ku dheeraaday xidhiidhka iyo iskaashiga sii kobciya ee u dhaxeeya labada dal.Isaga oo uhambalyeeyay dadka iyo Dawlada turkigaba.Waxaana hadaladiisii ka mid ahaay:-

“Waxaan ugu hambalyeynayaa Dawladda, Shacabka iyo halgamayaashii dalka Turkiga maalinta xoriyadda dalkooda oo dadaal dheer ay u galeen sidii ay isaga qaadi lahaayeen heeryada gumeysiga” .

Ra’iisul Wasaare;Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale uga mahadceliyay garab istaagooda Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxuuna tilmaamay in doorka Turkiga ee Soomaaliya uu wax weyn ka beddelay xaaladda Soomaaliya.

“Dawladda Turkiga waxaan si gaar ah ugu ammaaneynaa garab istaagoodii waqtigii adkaa iyo sidii ay indhaha caalamka noogu soo jeediyeen, xiliyadii ay dalkan soo wajahday xaaladaha adag oo ugu danbeysay qaraxii bishan ka dhacay Muqdisho oo door lama ilaa waan ah ay ka qaateen” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha.”

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Oglan Bekar ayaa isna dhankiisa xusay in Jamhuuriyada Turkiga ay ka go’an tahay mar waliba iney taageeraan Walaalahooda Soomaaliyeed ayna ku garab istaagaan sidii ay mar kale cagahooda isugu taagi lahaayeen.

Leave a Reply