Xuska Sanad Guurada 25aad Ee Aas-aaska Xisbiga SEPDM oo Hawasa Lagu qabtay.

Hawaasa(FMN)Waxaa Magaalada Hawasa Maanta Si meeqaam sare ah Loogu Xusay Sanad Guurada 25aad ee ka soo wareegtay Aasaaska Xisbiga SEPDM ee Deegaanka Shacuubta Koonfureed.Munaasabada ayay kasoo qeyb galeen madaxda dalka usaraysa,Madaxweynayaasha 9ka dalad deegaam,xubno ka socday beesha caalamka iyo shacabka qeybahiisa kala duduwan.

Waxaa khudbad kasoo jeediyay gudooomiyaha xisbiga SEPDM iyo EPRDF Mudane Hailemariam Desalegn.Ra’isul wasaare Hailemariam ayaa ugu horeyn uhambalyeeyay shacabka iyo xubnaha xisbigaas iyo sidoo kale guud ahaan shacabka reer itoobiya,gaar ahaana kasoo qeyb galayaasha Dabaal degan.,Waxa uu si gaar ugu mahad celiyay ururada bah-wadaagta la ah xisbiga SEPDM.

Ra’isulwasaaraha ayaa ku dheeraaday taariikhda halgammeed  iyo waxqabadka Xisbiga SEPDM,isaga oo xusay in xisbigu soo maray waqtiyo adag iyo xilli aad ufiican intaba,islamarkaana ay wax badan uqabsoomeen,inkastoo aan la dhihi karin boqolkiiba boqol waa uu kajawaabay baahida shacabka ay hooggaanka uyihiin.

Ugu danbayn munaasabada ayaa ku soo geba-gaboowday jawi degan oo farxad iyo reyn reyn ka muuqata,iyadoo la filayo in xubnihii ka qeyb galay munaasabadaasna ay booqan doonaan qaar ka mid ah mashaariicaha horumarineed ee Deegaankaasi laga fuliyay ka hor inta ayna dib ugu laabanin Magaalooyinkii ay ka kala yimaadeen.

Leave a Reply