Xuska Maalinta Caalamiga ah Ee Soo Af-jaridda Ciqaab la’aanta Denbiyada Wariyayaasha laga Galo Oo Muqdisho Lagu Qabtay.

Muqdisho(fMN)—Maanta oo kale Sanad walba waxa dunidda dacaladeeda laga  xusaa maalinta caalamiga ee soo af-jaridda Ciqaab la’aanta Denbiyada laga galo warfidiyeennada ka howl-gala hay’adaha warbaahinta,gaar ahaana kuwooda kashaqeeya goobaha ay ka jiraan dagaalada iyo maamuladda ku dhisan cabudhinta shacabka.

Haddaba,waxaa maanta ka dhacday Huteelka SYL ee magaalada Muqdisho Munaasabad si weyn loosoo agaasimay oo ay ka qeyb-galeen qaar ka mid ah wariyayaasha kusugan magaalada Muqdisho  iyo xubno ka socday hay’aha warbaahinta dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn ee fadhigoodu yahay soomaaliya.

Xuska maanta ee Muqdisho lagu qabtay ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayay dhibaatooyinkii udanbeeyay ee soo gaadhay wariyayaasha iyo sawir qaadayaasha ka howl-gala guud ahaan gudaha dalka Soomaaliya,gaar ahaana magaalada Caasimmadda ah ee Muqdisho iyo Sidda ugu habboon ee wax looga qaban karo.

Xubnihii goobta ka hadlay ayaa dhammaantood ku nuux-nuuxsaday in haatan wariyaasha Soomaaliya jooga ay wajahayaan qatar cad oo dhanka amniga ah taas oo hadii ay sii socotana wax weyn udhimmi doonta jiritaanka saxaafad howl-kar ah oo bulshada usoo tebisa macluumada ay ubaahanyihiin.

Si kastaba ha ahaatee Soomaaliya oo ah dal ay ragaadiyeen colaado soddon jirsaday ayaa safka hore uga jirta wadammada caalamka ugu halista badan ee qof wariye ahi ka shaqeeyo.waxaana mar walba dhimasho iyo dhaawac uusoo gaadhaa xubno muhiim ah oo kamid ah bahda warbaahinta.

 

Leave a Reply