Xildhibaan;Faarax Sheekh Cabdulqaadir Oo Ka Tacsiyadeeyay Qaraxii Shalay Muqdisho Ka Dhacay.

Muqdisho(FMN)—Xildhibaan;Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo kamid ah Xubnaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya,Xilal badana hore ugasoo qabtay Dawladdii Madaxweyne;Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyadeeyay Musiibaddii ka dhalatay qaraxii shalay galab lala beegsaday Huteelka Naasahablood 2 ee kuyaala badhtamaha Magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook-ga ayuu si faah-faahsan uga hadlay dareenkiisa ku aadan dhacdadaas.Isaga oo ugu horeyn si guud ugu tacsiyeeyay Shacabka Soomaaliyeed.Waxuuna Qoraalkiisa Ku yidhi;

“Waxaan Tacsi u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah, Shacabkii cadawga umaddeena sida gardarada ah ugu xasuuqay Hotel NaasaHablood-2”.

Xildhibaanka ayaa sigaar ah ugu tacsiyadeeyay qaar kamid ah dadkii ku geeriyooday qaraxaas oo uu sheegay in ay ahaayeen saaxiibo ay in badan soo wada shaqeeyaan,bulshadana wax weyn usoo qabtay.Kuwaas oo ay ka mid yihiin ;Ustaad;Zakariye Maxamuud,Xildhibaan;Cabdinaasir Gaarane iyo Mudane;Madoobe Nuunoow.

Xildhibaan Faarax sheekh cabdiqaadir oo hadalkiisa sii wata ayaa uduceeyay dadkii halkaas ku dhintay oo uu tilmaamay in ay shahiideen iyo kuwii ku dhaawacmayba.Isaga oo Allaah(swt0 uga baryay inuu jannatul firdows ku abaal mariyo inta dhaawaca ahna ubooga dhayo.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan qaraxaasi iyo kuwa kale ee lamidka ah ee  Magaalada Muqdisho kusoo badanaya isaga oo carrabka ku adkeeyay in waxa dhacaya ay yihiin nasiib daro aad uweyn  oo bulshada Soomaaliyeed lasoo deristay.Waxuuna ku eedeeyay kooxo uu kutilmaamay in ay Magaca Diinta dadka ku gummaadayaan.

Ugu danbayn,Xildhibaanku waxa uu umahad celiyay Ciidamada DFS ee ku guuleeystay in ay soo bad-baadiyaan dadkii ku go’doonsanaay Huteelka gudahiisa intoodii qaraxa ka samata baxday.

Laba toddobaad ka hor ayay ahayd markii uu isla Magaalada Muqdisho kadhacay qarax tan weyn oo ay ku halaagsameen ku dhawaad 400 oo qof.Halka tiro intaas kabadana ay ku dhaawacmeen

Fariinta xildhibaanka oo Dhamaystiran Halkan ka akhriso.

 

Leave a Reply