Xafladda Caleema-Saarka Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland oo Saaka Hargaysa Ka Socota.

Hargaysa(FMN)—Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo looga gol-leeyahay in lagu caleemo saaro Madaxweynaha cusub ee dhawwaan loo doortay hoggaaminta Jamhuuriyadda lamagac baxday Somaliland Mudane;Muuse Biixi Cabdi ayaaa saaaka ka socota Magaalada Caasimadda ah ee Hargaysa.

Munaasabada oo ay ka qeyb galayaan marti sharaf ay tiradoodu kor udhaafayso 1500 oo ruux oo ka kala yimid daafaha caalamka iyo gudaha somaliland ayaa la filayaa in ay xilla kula kala wareegaan Madaxweynaha Cusub iyo Madaxweynihii hore ee waqtigu ka dhammaaday Mudane;Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo),halka madaxweyne kuxigeenkii Hore Mudane;Saylicina uu xilkiisii hore kusoo laabanayo.

Dhawaan ayay ahayd markii ay guud ahaan deegaanada Soomaaliland si nabad ah uga qabsoontay doorasho Madaxweyne nimo oo hal qof iyo cod ah(One person;One Vote)taas oo ay guushu ku raacday Xisbiga KULMIYE ee 7dii sano ee udanbaysay deegaanadaasi ka ariminayay.

Inkastoo uu muran xooggani ka seereeyay natiijada kasoo baxday doorashadaasi oo u cuntami waysay Xisbiyada Mucaaradka ah,gaar ahaana Xisbiga WADANI oo ku hanweynaa inuu guul ballaadhan kasoo hooyni doorashadaasi,haddana ugu danbayntii waxaa lagu guulaystay in la sameeyo is fahan iyo isu tanaasul,iyadoo loo turayo shacabka ku dhaqan deeganadaasi ,Xisbiyada mucaaradka ahina sidaas ayay ugu danbayntii ku aqbaleen guul darada ka raacday doorashadaasi. 

Sikastaba ha ahaatee,Doorashadan oo ahayd ee saddexaad ee heer Madaxweyne ah oo halkaasi ka qabsoonta ayaa wax weyn ka bedeshay qaabka ay dunnidu u aragto Maamulka la magac baxay Somaliland,oo in muddo ahba baadi goob xooggan ugu jira siddii ay ku heli lahaayeen ictiraaf caalami ah oo usuura galiya in ay noqdaan Dal ka madax bannaan Soomaaliya inteeda kale.

Halkan Ka dheeho geedi-socodka Munaasabadan Oo dhamaystiran.

Leave a Reply