Wasiirka Arimaha Dibada Ee Soomaliya oo Ka warbixiyay Deeqda Caafimaad ee ilaa iyo Hadda Dunidu Soo gaarsiisay Soomaaliya.

Muqdisho(FMN)Wasiirka Wasaarada arimaha dibada iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaliya Mudane;Yuusuf Garaad Axmed Cumar ayaa ka warbixyay Gurmadka dhanka caafimaadka ah ee ilaa iyo haatan laga helay wadamada adduunka,si wax loogu qabto dadkii ku aafoobay qaraxii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sidoo kale umahadceliyay dadka soomaaliyeed ee howshaas ka qeyb qaatay oo isugu jira madax katirsan Hay’adaha dawlada iyo Shacab caadi ahba,Kuwaas oo uu ku tilmaamay Geesiyaal(Heroes).Warsaxaafadeed kooban oo uu soo saaray wasiirku ayuu arintaasi ku faah-faahiyay waxaana qoraalkiisa u dhignaay Sidan Soo socat;

Sii hayaha Safaaradda Qadar ee Muqdiaho ayaan uga mahadceliyay dayaarad deeq daawo ah sidda isla markaana qaadday dhaawac oo goor dhow ka duushay Muqdisho.Dayaaradda oo ah kuwa mikiteeiga waxay bukaanka qaarkood ku jiifeen sariiro.Sidoo kale Kenya ayaa maanta keentay laba dayaaradood oo yar yar oo daawo noo keenay isla markaana qaaday tobaneeyo dhaawac ah.

Maraykanku wuxuu keenay dayaarada US Air Force ah oo sidda daawo deeq ah.Wasiiradda caafimaadka, Duqa magaalada Muqdisho iyo Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo shaqaaalahoodu waxay qabteen shaqo Qaran oo aad u wanaagsan.Waxaa kaabayay xagga airporka oo aan maalmahaan nasan Wasiirrada Qorsheynta Jamaal, Shaqada, Saalax, Amniga, Islow, Xannaanada Xoolaha, Shiikh Nuur iyo madax kale.

Waxaa xusuusin mudan in howsha isu duwiddu ay ka socoto goob kale oo ay fadhiyaan madax uu horkacayo Ra’iisal Wasaare ku xigeenku.Geesiyaasha dhabta ahi waa dhakhaatiirta, kalkaaliyayaasha, shaqaalaha kale ee caafimaad siiba darawallada iyo shaqaalaha bukaan-la-roorka iyo mutaddawiciinta dhallinyarada u badan.Dadkaasi waxay isugu jiraan Soomaali, Turki hore u joogtay iyo howladeennada caafimaad ee ka soo gurmaday Turki iyo Djibouti.

Si kastaba ha ahaatee,waxaa wali dalka gudihiisa iyo dibadaba ka socda howlaha samatabixinta iyo ugar-gaaridda dadkii uu saameeyay qaraxii 14kii bishan ka dhacay is-goyska Zoppe ee magaalada muqdisho,kaas oo dad kor udhaafaya 300,halka ku dhawaad 500 na ay ku dhaawacantay.

Leave a Reply