Wasaaradda Caafimaadka Ee DFS Oo Itoobiya Uga Mahadcelisay Gurmadkii Caafimaad Ee ay Ka Geysatay Qaraxii Zoobbe.

Muqdisho (FMN)—Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa   si gaar ah ugu mahad celisay dhaqaatiir leh takhasuusyada , qaliinka guud , qaliinka kilyaha iyo kaadi mariinka , qaliinka lafaha iyo jajabka iyo qaliimada la xiriira gubniinka iyo qurxinta (plastic surgery) ee Dowladda  Ethiopia ay usoo dirtay Magaaladda Muqdisho, si ay uga qeyb qaataan gurmadka dadkii Nabad diidka Kooxda Alshabaab ay ku xasuuqeen Isgooyska 14 ka Octoobar Ex Zoobe, dhaqaatiirtaas ayaana dalka  ka  fuliyay qaliimo iyo daawayn.

Wasaaradda Caafimaadka XFS, ayaa sheegtay in  xiriir Iskaashi oo Istaaraatiiji ah la bilaabeyso Wasaaradda caafimaadka Federaalka ee Dalka Ethiopia, waxayna uga mahad celinaysay  gurmadkii daawo  qalab , iyo dhaqaatiir oo ay la soo gareen walaalohooda ku wax yeeloobay Musiibada 14ka October 2017.

Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka, ayaa  uga mahad celisay Safaaradda Ethiopia ee Soomaaliya sida wanaagsan oo ay isugu xirtay labada Wasaaradood iyo wadashaqaynta wanaagsaned muddada ay wadeen dhaqaatiirta Ethiopia howlaha gurmad iyo daaweyn  oo ay ka wadayn Muqdisho mudadii 10 ka cisho ee la soo dhaafay.

Dhaqaatiirta Ethiopia waxay fuliyeen qaliimo gaaraya 20 case,  waxayna daaweyn bilaash ah u sameyeen in ka badan 100 bukaan ah, waxay sidoo kale dalka Ethiopia u qaadi doonaan tiro bukaanno ah o aan Muqdisho waxba looga qaban karin sidaasi ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay soo saartay.

Xigasho:-

 

Leave a Reply