Wasaarada Arimaha dibadda Ee Soomaaliya Oo Beenisay War La Sheegay In uu Iyada Ka soo fulay.

Muqdisho(FMN)—Wasaarada Arimaha Dibada Iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa huf iyo halla kamma jiraan(Null & Void)ku tilmaantay war baryahanba la isla dhexmarayay oo sheegayay in wasaaradu Soosaartay Qoraal ay kaga hadlayso mid kamid ah Musharraxiinta ku loolamaya Doorashada madaxtinimo  ee ka dhawaan ka dhici doonta  jamhuuriyada lamagac baxday Somaliland.

Wasiirka Wasaaradaas Mudane;yuusuf Garaad Axmed Cumar oo war qoraal ah Soo dhigay Barta gaarka ah ee  uu kuleeyahay Shabakadda Bulshadu kuwada Xidhiidho ee Facebook-ga ayaa arintaasi ka hadlay,Qoraalka Wasiirka ayaana uqornaay sidatan;-

Dad ayaa si toos ah iyo si dadban ii weydiiyay waraaq la faafiyay oo ku saabsan mid ka mid ah axsaabta ku tartamaya doorashada Somaliland.Waraaqda la i weydiinayo waxay ku qoran tahay in ay ka soo baxday Wasaaradda aan hadda mas’uulka ka ahay.

U fiirso magaca Jamhuriyaddu waa ku meel gaar taas oo laga soo gudbay 2012. Magaca Wasaaraddu sax uma qorna.Waxaa ku qoran magaceyga oo ay higgaaddiisu hal meel ka badan ay ka qaldan tahay.

Saxiixeyga mid aan ahayn ayaa saaran.Uma gelayo hannaan-xumada ay u qoran tahay oo qofkii u fiirsadaa uu fahmi karo in ay tahay been-abuur.

Si kastaba ha ahaatee,waxaa waayadan danbe soo batay dadka caadaystay samaynta iyo faafinta wararka,Sawirada iyo waraaqaha been abuurka ah ee lagaga been sheegayo shakhsiyaad bulshada magac ku leh iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulada kala duduwan ee Soomaaliya ka jira.

Leave a Reply