Wararkii ugu dambeeyay ee Qaraxii Zoobe iyo Ciidamada oo qabtay nin waday gaari ku qarxay Wadajir.

October 14 (FMN)— Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax aad u xooggan oo abaarihii salaadii casirka gilgilay magaalada Muqdisho, kaasoo loo adeegsaday gaari xamuul oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ku qarxay Isgoyska Zoobe ee KM5.Qaraxan oo ahaa kii u horeeyay noociisa ayaa geystay khasaare aad u ballaaran oo isugu jira bur bur, dhimasho iyo hdaawac fara badan.Illaa iyo 20 ruux ayaa la xaqiijiyay inay qaraxa ku dhinteen, halka 50 kale ku dhaawacmeen, sida ay sheegayaan saraakiisha caafimaadka.

Qaraxa ayaa dhacay xilli wadada Isgoyska Zoobe ay aheyd mid mashquul ah, halkaas ay ku yaallaan goobo ganacsi.Baabuur fara badan oo isugu jira kuwa yar, gaadiidka dadweynaha, iyo mooto bajaajta ayaa ku bur buray qaraxa weyn ee ka dhacay isgoyska, iyagoo gebi ahaanba gubtay.

Sidoo kale waxaa bur buray dhismayaal fara badan, waxaana qaraxa uu saameeyay goobo aad uga fog halka qaraxa ka dhacay.Ciidamada ammaanka ayaa xiray goobta qaraxa ka dhacay, waxaana wali socda baadigoobka dad kale oo looga shakisan yahay inay ku jiraan dhismayaal bur buray hoostooda.Dhinaca kale Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay darawal waday gaari nuuca Noah ahaa oo qarax saarnaa, wararka ayaa sheegaya in markii ninkan lagu amray inuu gaariga ka dego uu qarxay gaariga.

Xigasho=Jowhar.com

Leave a Reply