War murtiyeed kasoo baxay shirkii maamul goboleedyada ee Magaalada Kismaayo

11ka Oktoober (FMN)— War murtiyeed ka kooban illaa 16 qodob ayaa goor dhow laga soo saaray shirka Wadatashiga ee Kismaayo ugu socday Madaxda dowladda Goboleedyada kala ah Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Galmudug.War murtiyeedka oo goor dhow heshay saxaafada ayaa waxaa qodobada looga hadlay ka mid ahaa arrimaha Siyaasadda, Amniga, Federaaleynta, Dastuurka, Kaalmada Caalamiga, waxaana talooyin iyo baaq loogu jeediyay dowladda Federaalka.

Shirka ayaa lagu dhisay Gole ay ku mideysan yihiin maamul goboleedyada oo loogu magac daray Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada, waxaa Guddoomiye iyo kuxigeen loo doortay sanadka koowaad Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Agaasimaha Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa xilligan saxaafada u akhrinaya War murtiyeedka.Hadaba halkan hoose ka akhriso nuqulo ka mid ah War murtiyeedka oo aan helnay:-

Xigasho

http://www.jowhar.com/2017/10/11/war-murtiyeed-laga-soo-saaray-shirka-maamul-goboleedyada-ee-kismaayo-akhriso/

 

Leave a Reply