Waftigii Madaxweyne;Farmaajo oo Jabuuti Jooga.

Jabuuti(FMN)-Madaxweynaha Soomaaliya iyo waftiggii balaadhnaa ee uu hoggaaminayay ayaa goor dhawayd gaadhay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.Waxaana garoonka Caalamiga ah ee Jabuuti si diirran ugu soo dhaweeyey  musiiliyiin uu horkacaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Jabuuti Mudane;Maxamuud Cali Yuusuf.

Madaxweynaha Jamhuuriayadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhiggiisa Jabuuti Mudane;Ismaaciil Cumar Geelle kulan gaar ah la qaatay, iyagoo si qoto dheer uga hadlay xiriirka walaaltinimmo ee labada dal iyo kaalinta Jabuuti ay ka qaadaneyso dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

Madaxweyne;Farmaajo ayaa horey usoo maray dalalka Uganda iyo Itoobiya oo ka mid ah wadamada ay Soomaaliya ka joogaan ciidamada Nabad ilaalinta ee kaalmeeynaya Xukumada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Leave a Reply