Wafdi Uu Hoggaaminayo Guddoomiye;Jawaari Oo Suudaan Usafray.

Muqdisho(FMN)—Wefdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane;Maxamed Sheekh Cusmaan(Jawaari) ayaa u amba baxay dalka Suudaan kadib markii uu casuumaad ka heley dhigiisa dalkaasi.

 Guddoomiye;Jawaari Waxaa ku wehliya safarkiisa xildhibaano katirsan Golaha Shacabka,iyadoo ay halkaasi ku sii sagootiyeen mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyah Golaha Shacabka iyo wefdigiisa ayaa kulamo la yeelan doonaan madaxda dalkaasi Suudaan oo uu ugu horeeyo guddoonka baarlamaanka Dalkaasi oo casuumaad rasmi ah u fidiyay wefdigan.

Mas’uuliyiinta ayaa lafilayaa in ay ka wada hadlaan xiriirka iskaashiga ah ee ka dhexeey labada baarlamaan iyo sidii loo sii  xoojin lahaa iskaashigooda.

Xigasho:

Leave a Reply