Waa Sidee Xaalada Caafimaad ee Dhaawacyadii Turkiga La geeyay?

Ankara(FMN)-Shabakada Warbaahinta ee Feer-feer Media Network ayaa heshay macluumaad dhab ah oo ku saabsan Xaaladda caafimaad iyo nololeed ee ay ku suganyihiin dhaawacyadii dhawaan la geeyay dalka Turkiga.

Xogtan oo aanu ka helnay xubno ka tirsan Safaarada Soomaaliya ku leedahay dalka Turkiga oo iyagu mid mid ubooqday bukkaanadaasi ayaa tibaaxaysa in dhaawacyadaasi ay soo kabanayaan oo xaaladooda caafimaad ay haatan aad uwanaagsantahay.

Guud ahaan Bukaanada dalkasi legeeyay ayaa ah 34 bukaan waxayna ku jiraan oo loo kala qeybiyay ilaa iyo lix Isbitaal.Haddaba,waxa aynu idinla wadaagi doonaa xaalada ilaa 5 bukaan oo ku jiro Isbitaalka weyn ee Ataturkey Hospital ee ku yaalo Magaaladan Ankara.Kuwaas oo kala ah:-

1) Layla Isaak Mohamed, Xaaladeeda caafimaad aad ayay u wanaagsantahay jirkeeda oo dhan waa uu bad qabaa marka laga reebo gacanta bidix oo ay dhaawac ka tahay waxa ay mareysaa qaliin gacanta ah, waxaa la socoto Fadumo Omar.

2) Samiira Sheikh Mohamed waxa ay dhaawac katahay garabka midig waxaa kaloo jiro dhaawac yar oo bowdada ah mana ahan waxweyn, Samiira plastic operation ayay mareysaa oo xagga garabka ah xaaladeeduna aad ayay u wanaagsantahay, waxaa la socdo Aweys Sheikh Mohamed.

3) Calas Cilmi Qoobeey, Koomadii uu ku jiray waa uu ka soo baxay, waxa ay wax ka gaareen madaxa labada lugood iyo daanka, Ogaalkiisu aad ayuu u wanaagsanyahay, wax wuu arkayaa waxna waa uu maqlayaa dadkana waa uu kala garanayaa operationkiisiina waa lagu guuleystay waxaa hore ula joogay Aidrus Mohamed waxaa ku soo biray oo Finland ugu yimid walaalkiis Daahir Cilmi Qoobeey.

4) Mohamed Ismail Malaq, Hadda waxaa laga soo saaray qeybta degdega waxaa la keenay qeybta jiifka caadiga ah, waxa ay wax ka gaareen dhabarka, lafdhabarta aad ayay u badqabta, socod ayuu bilaabay sifiicanna ayuu noogu sheekeeyay maanta, xaaladiisa aad ayay u wanaagsantahay, waxaa lajoogo walaalkiis Cabdulqaadir Ismail Malaaq.

5) Liibaan Nuur Osoble, kaliya waxa ay wax ka gaareen madaxa, Operationkiisii waa lagu guuleestay, kaliya inuu si caadi ah u soo kaco ayaa la sugayaa, dareen iyo dhaqdhaqaaq waa uu leeyahay rajo fiican ayaa laga qabaa inuu soo tooso, waxaa la socdo Cabdulqaadir Cabdullahi.

Waxaa kaloo haddii Eebbe idmo aan mid mid idiin la wadaagi doonaa xaalada caafimaad ee 29ka kale dhaawaca ah.Alle waxaan ugu baryayaa in uu caafimaad buuxa siiyo .

FG:Xogtan waxa aan Ka helnay Mudane;Cabdiqaadir Barkhadle oo Katirsan Safaarada Soomaaliya ee Dalka Turkiga.

Leave a Reply