Waa Sidee Xaalada Caafimaad ee Bukaanadii Turkiga La Geeyay.Q-3aad.

Ankara(FMN)-Shabakada Warbaahinta ee Feer-feer Media Network ayaa heshay macluumaad dhab ah oo ku saabsan Xaaladda caafimaad iyo nololeed ee ay ku suganyihiin dhaawacyadii dhawaan la geeyay dalka Turkiga.

Xogtan oo aanu ka helnay xubno ka tirsan Safaarada Soomaaliya ku leedahay dalka Turkiga oo iyagu mid mid ubooqday bukkaanadaasi ayaa tibaaxaysa in dhaawacyadaasi ay soo kabanayaan oo xaaladooda caafimaad ay haatan aad uwanaagsantahay.

Guud ahaan Bukaanada dalkasi legeeyay ayaa ah 35 bukaan waxayna ku jiraan oo loo kala qeybiyay ilaa iyo lix Isbitaal.Hore waxa aynu Idiinla wadaagnay warbixinno ka hadlayay Xaaladda caafimaad ee qaar kamid ah dhaawacyadaasi.Waxa aynu haatana idinla wadaagi doonaa xaalada ilaa 16 bukaan oo ku jiro Isbitaalka weyn ee Numune Hospital oo ah isbitaalka labaad ee dhaawacyada ugu badan la geeyay.Kuwaas oo kala ah:-

1) Ahmed Ali Mohamed waa 22 jir waxa uu dhaawac ka soo gaaray Madaxa, Wajiga iyo indhaha, waxaa qaliin loogu sameeyay indhaha mid ka mid ah waana lagu guuleystay midda kalana daawo ayaa ku socoto, madaxiisa waa uu fiyowyahay xaaladiisa caafimaad aad ayay u wanaagsantahay inkastoo lagu xanaaneenaayo qeybta gargaarka degdega, waxaa la socdo walaalkiis Dahir Ali Mohamed.

2) Ismail Ibrahim Mohamed waa 54 jir dhaawaca waxa uu ka soo gaaray dhinaca madaxa qeybta maskaxda waxaa ku soo dumay guri ka agdhawaa meesha uu qaraxa ka dhcay waxaa lagu sameeyay qaliin waana lagu guuleystay, koomadii waa uu ka soo baxay ogaalkiisana waa uu fiicanyahay inkastoo uusan kula hadleenin balse waxaa wali lagu hayaa qeybta gargaarga degdega, waxaa la socdo Mohamed Abdullahi Osman.

3) Ahmed Sahal Iidow waa waa 65 jir dhaawaca waxa uu ka soo gaaray Caloosha, Daanka iyo Lugaha, daanka opretion loogu sameeyay waxaana ay sheegeen in Plastic loogelin doono, Caloosha waa laga tolay mid ka mid ah lugaha waa lagooyay mida kalana aad ayay u fiicantahay balse waxa uu qabaa sokor iyo dhiig kar xaaladiisa caafimaad aad ayay u wanaagsantahay waana uu sheekeenaayaa wuuna fiicanyahay waxaa la socdo wiilkiisa Abrisak Ahmed Sahal, waxaa kaloo soo booqday oo halkaan wax kabarto wiilkiisa kale Abdirashiid Ahmed Sahal, xaaladiisa caafimaadna waa ay ka soo roonaanaysaa sidi hore.

4) Aweys Ali Ahmed 53 jir dhaawaca waxa uu ka soo gaaray gacanta midig waxaana loogu sameeyay qaliin waana loo kabay, garbahana dhaawac yar ayaa ka soo gaaray waa laga daaweeyay xaaladiisa caafimaad aad ayay u wanaagsantahay musqushiisa iyo weysadiisa asaga ayaa toos u aado waxaa la socdo Dahir Ali Mohamed.

5) Bashiir Dahir Mohamed waa 33 jir, dhaawaca waxa uu ka soo gaaray gacanta midig wayna ka burburtay waana laga jaray, waxuu kaloo ka gubtay wajiga gacata bidix iyo lugta bidix waa la dhayaa si caadi ahna waa uu u socdaa, xaaladiisana waa ay roontahay waxaa la socoto Ruqiya Warsame Abdulle.

6) Bashiir Dahir Mohamed waa 33 jir, dhaawaca waxa uu ka soo gaaray gacanta midig wayna ka burburtay waana laga jaray, waxuu kaloo ka gubtay wajiga gacata bidix iyo lugta bidix waa la dhayaa si caadi ahna waa uu u socdaa, xaaladiisana waa ay roontahay waxaa la socoto Ruqiya Warsame Abdulle.

7) Ahmed Siyaad Abdi waa 60 jir waxa uu dhaawac ka soo gaaray, madaxa garabka midig iyo lugta bidix ciribteeda, waxaa lagu sameeyay qaliin garabka ah waa loo kabay waxa uu ku jiraa qeybta gargaarka degdega walina waxaa ku socoto daaweyn, waxaa la socdo wiil uu adeer u yahay Nur Mohamed Siyaad.

8) Mahad Ibrahim Salad waa 33 jir, waxa uu ka gubtay jirka intiisa badan gaar ahaan gacmaha lugaha iyo wajiga wax jabiniin ah ma jiro waxaa ku socoto dhaymo iyo daaweyn xaaladiisa caafimaad waa ay fiicantahay sifaacanna waa uu u sheekeenaa waxaa la socdo Khadar Ibraahim Siyaad.

9) Saciid Abdi Jeele waa 22 jir dhaawaciisa waa gubasho waxa uu ka gubtay wajiga iyo labada lugood iyo jabniin gacanta bidix ah, waxaa dhaawac uu ka soo gaaray indhaha, qaliin lagu sameeyay kadib mid ka mid ah waa lagu guuleystay midda kalana daawo ayaa ku socoto, gacanta bidixna waa la kabay waxaa la socdo Mohamed Hussein Mohamed.

Sidoo kale bukaanada isbitaalada lageeyay waxaa ka mid ah Gulhane Hospital waxaa ku jiro ilaa iyo 3 Bukaan kuwaas oo kala ah:
1) Ali Diiriye Faarah waa 32 jir waxa uu ka gubtay dhabarka, gacmaha iyo lugaha 19% jirkiisa waa uu gubtay sida ay sheegeen dhaqaatiirta waxaa ku socoto dhaymo iyo daaweyn xaaladiisa caafimaad aad ayay u wanaagsantahay si caadi ah ayuu u socdaa una sheekeenaayaa, waxaa la socdo walaalkiis Duraan Diiriye Faarah.

2) Abdullahi Ali Mohamed inta badan jirkiisa waa uu gubatay sida ay dhaqaatiirta sheegeen 30% waa uu gubtay jirkiisa waxaa ku socoto dhaymo iyo daaweyn, subax kasto waxaa loogu qubeeyaa daawo waa uu socon karaa waana uu sheekeen karaa xaaladiisa sidiisii hore waa uu ka soo roonaayaaa balse waxa uu ku jiraa qeybta dadka gubiniinka la geliyo waxaa la socdo Abdullahi Siidow Nuunow.

3) Bile Adan Farah waa 22 jir, dhaawaca waxa uu ka gaaray madaxa waxaana ka galay firir gacanta midigna waa ay ka jabtay balse waa loo kabay gacanta, xaaladiisana waa ay soo yara fiicnaaneysaa waxaa la joogo walaalkiis Burhan Adan Farah.

Diskapi Hospital waxa uu ka mid yahay isbitaalada la geeyay dhaawicii la keenay Turkiga, isbitaalkaan waxaa la keenay ilaa iyo 4 Bukaan, balse labo ka mid ah saake ayaa laga saaray dhaqaatiirta waxa ay inoo sheegeen in ay caafimaad qabaan, waxayna kala yihiin:-
1) Usaama Abdullahi Mohamed waa 14 jir dhaawaca waxa uu ka soo gaaray Daanka iyo Sanka, Daanka waa uu jeexmay, waana loo tolay waxa uuna maray qaliin daanka ah hadda xaaladiisa caafimaad waay roontahay dhaqaatiirtana waxa ay sheegeen inuu caafimaad qabo isbitaalkana laga saari karo balse Wasaaradda Caafimaadka ayaa u diyaarisay meel kale ay ku sii xanaaneeso dadka buskoodo. Waxaa la socdo aabihiis Abdullahi Mohamed Imaan.

2) Mohamud Ali Wehliye waa 54 jir dhaawaca waxa uu ka soo gaaray madaxa meesha jeegada dambe waa uuna ka jabay, waxaa lagu sameeyay qaliin waana loo kabay, hadda xaaladiisa caafimaad aad ayay u wanaagsantahay inkastoo uu qabo sokor, balse dhaqaatiirta waxa ay sheegeen inuu caafimaad qabo isbitaalkana laga saari karo, Wasaaradda Caafimaadka dalkaana waxa ay u diyaarisay meeshii lagu sii baxnaanin lahaa, waxaa la socdo walaalkiis Nur Ali Weheliye.

3) Abdishakour Muxidiin Mahamoud waa 10 jir dhaawaca waxa uu ka soo gaaray lugta bidix waxaa maanta loogu sameeyay qaliin lugta ah waana lagu guuleestay xaaladiisa caafimaad waa ay fiicantahay si fiican ayuu kuugu sheekaanaa waa uu niyad fiicanyahay waxaa la socoto walaashiis Fartuun Ahmed Mohamoud.

4) Mumtaz Hassan Ali waa 6 jir dhaawaca waxa uu ka soo gaaray labada gacmood labada lugood iyo madaxa haba ugu darneetee lugta midig lowgeeda waa ayna ka jabtay sinta midgna hilib badan ayaa ka maqan, lugtii waa loo kabay, sintana waxa ay sheegeen in meelo kale oo jirkeeda ah in hilib looga soo qaadi doono, sida kale xaaladeeda caafimaad waa waa ay fiicantahay wayna sheekeen kartaa, waxaa la joogo Hooyadeed iyo Aabaheed.

Waxaa kaloo jiro Abdukar Mohamoud Nur waa 30 jir waxa uu ku jiraa kaligiis Isbitaal la yiraahdo Yuksek Ihtisas Hospital dhaawaca waxa uu ka soo gaaray dhuunta firir ayaa ka galay waana laga saaray waxaana loo geliyay tubo xaaladiisa Caafimaad aad ayay u wanaagsan tahay waxaa la socdo walaalkiis ka ween.Guud ahaan waa 35 Bukaan, allana waxaan ugu baryeeynaa in caafimaad taam siiyo.

Xassuusin:-Dhammaan Xogta iyo Warbixinnada Ku saabsan Xaalada Caafimaad ee bukaanada Dalka Turkiga kusugan waxaa nala wadaagay Cabdiqaadir Maxamed Xusseen Barkhadle Oo ah Xubin ka tirsan Safaarada Soomaaliya ee turkiga.Halkan yaadna kala xidhiishi kartaan mas’uulkan.

Leave a Reply