Talyaaniga oo Soomaaliya Lacag ugu Deeqay.

October 19(FMN)-Dawladda Talyaaniga ayaa sheegtay in soomaaliya ay ugu deeqday lacag dhan 300,000 oo Euro kadib weerarkii 14-kii isbucan ka dhacay isgoyska Zoobe.Warkan ayaa  lagu shaaciyay qoraal uu soo saaray  Arbacadii xafiiska Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada ee dalka Talyaaniga.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Talyaaniga  Mudane;Angelino Alafano ayaa sheegay in Talyaaniga uu diyaariyay  gar-gaar deg degg ah oo ah lacag dhan 300,000 oo Euro si ay kaalmo ugu noqoto Ururka Caalamiga ah ee Bisha Cas.
Wuxuu intaa ku daray in lacagtan si gaar ah loogu tala galay in wax looga qabto weerarkii Argagixiso ee ka dhacay Muqdisho.Mr Angelino Alfano ayaa wuxuu sheegay Talyaaniga in mar walba uu jecel yahay inuu muujiyo taageeradiisa Soomaliya, oo ay mar walba la garab taaganyihiin Hiil iyo Hooba.

Weerarkii 14-kii bishan ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 300 oo qof, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen ilaa 400 oo qof. Qaraxaasi ayaa noqday kii ugu qasaaraha badnaa ee Abid ka dhaca Soomaaliya.Waxaana loo asteeyay inuu ahaay musiibo Qaran.

==Xigasho==

Leave a Reply