Tababar kor Loogusoo Qaadayay Aqoonta Iyo Waaya Aragnimada Wariyayaasha Iyo Sawirqaadayaasha ESTV oo Lasoo Gabagabeeyay.

Jigjiga(FMN)—Tababar kor loogu qaadayay garaadka aqooneed ee wariyayaasha gobolada deegaanka islamarkaana lagu barayay nidaamka tabinta wararka iyo qaabka loo diyaariyo ayaa lagusoo gabagabeeyay hoolka shirarka ee wakaalada warbaahinta deegaanka.

Hadaba xidhitaankii tababarkan ayaa waxaa ka hadlay maareeyaha wakaalada warbaahinta deegaanka mudane;Farxaan Maxamuud Axmed oo u sheegay tababar qaatayaasha in tababarkan mudada 3 cisho ah usocday uu ahaa mid kor loogu qaadayay garaadka aqooneed ee wariyayaasha iyo camera maanada gobolada islamarkaana loo baahan yahay Inay ku shaqeeyaan cashirada loo hayay mudada 3 cisho ah, wuxuuna maareeyuhu intaa ku daray in tababarkan uu ahaa mid muhiim ah oo hagi doona wariyeyaasha iyo camera maanada gobolada .

Dhanka kale waxaa isana goobta ka hadlay tafatiraha wakaalada warbaahinta deegaanka mudane;Cabdi Cumar oo kula dardaarmay tababar qaatayaasha inay fahmaan qaabka tabinta wararka iyo inay waliba inay xafidaan qalabka shaqada maadaama shaqada warbaahintu oogu muhiimsantahay qalabka lagu shaqaynayo.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah tababar qaatayaasha oo sheegay inuu tababarkan uscoday mudo 3 maalmood ah islamrkaana ay waxbadan ka faaiideen kuna shaqayn doonaan fahanka ay tababarkan ka heleen.

Xigasho:-Warbaahinta DDSI.

Leave a Reply