Soomaalida kunool Koonfur AFrica oo ka Qeybgalay Bandhig Dhaqameed lagu Qabtay Magaalada Johannesburg.

Waa barnaamij lagusoo bandhigayo hiddaha iyo dhaqanka oo ay soo agaasintay Jaamacada Johannesburg ee Dalkani Koonfur Afrika. Waxaa ka qeybgalayay ardayda dhigata Jaamacadaasi ee ka kala yimid dalalka dunida waxaana ka  mid ahaa ardayda Soomaalida ah ee jaamacadaasi wax ka barata.
 
Arday walba waxaa ay soo bandhigayeen hiddaha iyo dhaqanka dalkooda sida cunnada ay dhaqan ahaan uleeyihiin,dharka dhaqanka ee ay xidhaan ,Cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka iyo wax waliba oo ay lasoo shirtagi karaan si ay u muujiyaan in ay ka dhax muuqdaan dhaqamada kala duwan ee halkaasi lagu soo bandhigayay.
 
Dhalinyarada u socotay in ay soo bandhigaan hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida ayaa goobta soo galay;Waxaana durbbadiiba is qabsaday sawaxan iyo sacab muujinayay in lagu soo dhaweynayo kooxda soo gashay masraxa.Waxa ay ahaayeen afar wiil iyo afar  gabdhood   oo kusoo labistay dharka hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida,kadibna waxa ay halkaasi kusoo bandhigeen cayaaro iyo hiddo dhaqan ah.
 
Inta aysan garoonka soo galin waxaa mar qura loo aamusay in loogu tacsiyeeyo dadkii ku dhintay qaraxii waxuushnimada ahaa ee kooxda shabaabku ku gumaadeen shacabka Masaakiinta ahaa 14-kii bishaan isgoyska Zoobe.
 
Suldaan Ibraahim qaxwo;waa muwaadin Somaali ah oo inta badan xil iska saara ilaalinta dhaqanka Soomaalida,kaalin weyna ka qaata marka ay timaado barnaamijyada noocaan oo kale ah.Mar uu lahadlayay Radio Muqdisho waxa uu u sheegay in;cunooyinka ay soo bandhigeen maanta ay aad u jecleysteen dad waynahii kasoo qeybgalay bandhig dhaqameedkan,isla markaana la dhameystay.
 
Markii ay soo dhamaatay cayaarta ayaa guddiga garsoorka ee qiimaynayay dhaqamada kala duwan kooxaha soo bandhigayay waxa ay ku dhawaaqeen natiijada cayaarta waxaana Soomaaliya ay soo gashay kaalinta labaad.
 
Waxaa Sido Kale Soomaaliya ay  kaalimaha  ugu horeeya ka heshay qurxinta iyo diyaarinta waxaa ayna ku haleen kaalinta kowaad,cayaarta ay soo bandhigeeena kaalinta labaad halka sidoo kale kaalinta labaad ay ka galeen dharka hiddaha iyo dhaqanka ah ee ay kulabisnaayeen.

Leave a Reply