Sidee ayay kutimid summadda ah;Soomaalida Ittoobbiya?

Tan iyo markii uu isbedelka kuyimid Maamulka Deeg aanka Soomaalida;waxyaabaha ay dadweynuyu aadka uhadalhayeen waxaa ka mid ahaa;Magaca iyo astaamaha deegaanka oo dadku badankood dalbad een in sidoodii hore lagusoo celiyo.Haddaba;maxay ahayd sababta keentay in kolkii hore waxyaabahaas labedelo laguna daro erayga ah:Ittoobbiya?waa wey diin ay dad badani warcelinteeda kuwareereen,waxa aana isku dayayaa bal inaan wax ka yar ka iftiimiyo.

Badhtamahii sanaddìi 2006da waxa koonfurta soomaaliya kasoo caan baxay islamarkaana gacan kuhaynta maamulka goboladaasi la wareegay ururkii lamagac baxay;Midawga Maxkammadaha Islaamiga ah oo ku dhawaaqay in ay dalka iyo dadkaba kudhaqa yaan Shareecada Islaamka.Inkastoo ay soo dhawayn fiican ka heleen shacabka soomaaliyeed haddana; waxa ay soo ifbixidda awoodaasi cadho galisay madaxdii dawla dii kumeel gaadhka ahayd ee uu hoggaaminayay Madaxweyne;Cabdullaahi Yuusuf iyo beesha caalam ka oo ay ugu horeyso Ittoobbiya oo iyadu u aragtay in ururkaasi uu khatar ku yahay jiritaankeeda iyo danaha ay soomaaliya ka leedahayba;waxa ayna taasi keentay in ugu danbayn ay ittoobbiya iclaamiso tallaabo milatari oo ay ka qaadayso kooxahaas iyadoo ciidamadeedana ku daabushay gudaha Soomaaliya.

Dagaalkii qadhaadhaa ee dhexmaray ciidamada Ittoobbiya iyo kooxaha wax iska caabinta ee gudaha soomaaliya waxa uu isbedel weyn ku keenay qaabkii ay ittoobbiya ula macaamilaysay guud ahaan muslimiinta wadankeeda gaar ahaana bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan dhulkooda looyaqaano deegaanka Soomaalida.Maamulayaasha iyo madaxda Milatariga ittoobbiya waxa ay durbaba bilaabeen in ay isweydiiyaan farqiga udhaxeeya labadan soomaaliyee d ee midna ay mindida u afaysanayaan midna uu iyaga miciinka uyahay.Waxaa sidoo kale ittoobbiya umuuqatay in dadka deegaanku badankood ayna raali ka ahayn faragelinta ay ku samaysay walaalahooda soomaaliya waxa ayna is tustay in ay lagama maar maan tahay kala shaandheynta iyo kala shaxaadida soomaalida waana falsafada ka danbaysa immaanshiyaha weedha soomaalida Ittoobbiya si dadka deegaanka loogu qanciyo in iyagu ay yihiin dad ittoobbiyaan ah oo wadankooda wax la qaba halka kuwaana ay yihiin soomaali wadan kale ah oo ay cadaawadi kala dhaxayso dadka iyo dawlada Ittoobbiya oo ay ku jiraan isla soomaalida deegaanka.

Haddaba;waxaa sanadkii 2007 dii ka bilaabmay deegaanka ol-ole balaadhan oo lagu hergalinayo awaamiirta dhanka sare ka timid iyadoo ugu horeynba wax ka bedel lagu sameeyay magaca iyo astaamaha deegaanka iyo kan xisbigaba iyo dhammaanba waxyaabihii Soomaalinimada laga dheehan karay.waxaa sidoo kale laga tallaabo qaaday dad badan oo dawladu u arkaysay in ay qabaan aragtida soomaaliweyn,waxa kale oo aad loo bartilmaa meed saday dadka iyo goobaha ay shacaa’irta islaamnimad u ka muuqatay,waxaana meesha laga saaray maalintii jimcaha ee fasaxa ahaan jirtay,Isticmaalka lacagta shilling Soomaaliga ayaa iyana la mamnuucay , Madaaris farabadan oo diinta lagu baranayayna albaabada ayaa loo laabay,taas bedel keeda waxa ay dawlada Ittoobbiya bilaawday qorshe dalka loogu beerayo koox lamagac baxday Axbaash oo feker ahaana shiico ah oo ay dawladu u aragtay in ay isla jaanqaadi karaan dadkana ka wacyigelin karto waxa loogu yeedhay asalraac nimada(Akkaraari).Waxii xilligaas kadanbeeyayna waxa xidhmay xidhiidhkii iyo isusocodkii labada Soomaali ee lookala saaray;Ittoobbiyaan iyo Soomaali weynta.

Facebooktwittergoogle_plusredditpinterestlinkedinmail

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *