Shirkii Madaxda DFS Iyo Maamul-goboleedyada Oo La Filayo Inuu Dhawaan Soo Gabagaboobo.

Muqdisho-FMN-Shirka Madaxda Qaranka iyo Kuwa Maamul Gobaleedyada oo maalmihii la soo dhaafay ka socday Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in maanta la soo Gaba-Gabeeyo Islamarkaana laga soo saaro war-Murtiyeed ay ku cadahay waxyaabihii ay ku heshiiyeen.

Qaar ka mid ah Qaban Qaabiyaasha Shirka ayaa sheegaya in qorshuhu yahay in maanta la soo Gaba-Gabeeyo Shirkaas oo qaatay Muddo ka badan 4 Maalmood waxaana la  Sheegayaa in lagu heshiiyay Waxyaabihii la isku Haayay.

Madaxda Qaranka iyo Kuwa Maamul Gobaleedyada ayaa saacadihii la soo dhaafay ee xalay waxaa la sheegay in ay la haayeen Kulamo gaar gaar ah oo ku aadan Xaaladda Soomaaaliya waxayna Labada dhinac Sameeyeen Tanaazul badan oo ah qodobadii la isku heystay.

Hogaamiyaasha ayaa isla qiray in dalka uu ku jiro Xaalad Qatar ah loona baahan yahay Samatabixin dhinacyada oo dhan ah iyo la soo gaba-gabeeyo Murankii u dhaxeeyay Madaxda Qaranka iyo Hogaamiyaasha Maamul Gobaleedyada Dalka.

Isha Warkan:-

Leave a Reply