Shirka Wadatashiga DFS iyo Maamul-goboleedyada Oo Lafilayo Inuu Muqdisho Ka furmo.

Muqdisho(FMN)—Kulan Wadatashi ah oo looga arinsayo xaaladaha ammaanka iyo Siyaasadda ee uu haatan kusuganyahay dalka soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu maanta ka furmo Magaalada Muqdisho ee Caasimada u ah Soomaaliya.

Shirkan oo ay yeelanayaan DFS iyo Maamul-goboleedyada xubnaha ka ah ayaa ah mid  uu dhawaan iclaamiyay Madaxweynaha DFS Mudane;Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,si looga wada xaajoodo Xaaladaha Ammaan ee haatan ka jira guud ahaan soomaaliya,iyada oo sidoo kalena la isla soo qaadi doono  mad-madowga iyo kalashakiga soo dhex galay Madaxda DFFS iyo Hoggaamiyayaasha Maamul-goboleedyada.

Waxaa horey Magaalada Muqdisho ugusii sugnaay Madaxweynayaasha maamul-goboleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur-galbeed,halka uu haatan garoonka Aadan Cadde ka soo degay Madaxweynaha Gal-mudug;Axmed Ducaale geelle9xeef).Waxaana la rajaynayaa in Hoggaamiyayaasha Maamullada;Puntland iyo Jubbaland ay iyaguna maanta soo gaadhaan Madasha Shirka,iyadoo Ra’isul-wasaare xassan Cali Kheyre oo booqasho ugu maqan dalka Turkigana lagu wado inuu kasoo gaadho furitaanka Shirka.

Sikastaba ha ahaatee,wali si rasmi ah looma shaacinin inuu shirku maanta furmayo in kale,waxaana jira warar soo baxaya oo tibaaxaya in ay dhici karto in shirku dib ugu dhaco maalinimada Axadda ah ee berrirto.

Wararka qaar ee ay helayso Shabakada Warbaahinta Feer-feer Media Network(FMN)ayaa muujinaya inuu wali taaganyahay khilaaf ku aadan qaabka shirku uqabsoomayo,Xubnaha ka qeyb-qaadanaya iyo qodobada la isla soo qaadayo,oo udhaxeeya dhinacyada ka qeyb galaya shirkan ee DFS iyo Madaxda maamul-goboleedyada.

Waxii warar ah ee Shirkan ka soo kordha dib ayaan idinkala wadaagi doonaa haddii uu Allaha awoodda lihi oggolaada.

Leave a Reply