Shariif Xassan Oo Mooshin Laga Keenay.

Baydhabo(FMN)—Wararka aanu ka helayno Magaalada Baydhaba ee xarunta u ah Maamul-goboleedka Koonfur-galbeed,ayaa tibaaxaya in ay dib usoo cusboonaadeen dhaq-dhaqaaqyadii Mucaarad ee lagu doonayo in xilka looga tuuro Madaxweynaha maamul-goboleedkaasi Shariif Xassan Sheekh Aaden..

Mooshinkan Cusub oo ah mid si howli ah looga dareemayo deegaanada maamulkaas iyo Magaalada muqdishaba ayaa la xaqiijiyay in;Illaa iyo 50 mudane oo ka tirsan xildhibaanada baarlamanka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ay saxiixeen,laguna wado in loo gudbiyo guddoonka Baarlamanaaka Maamulkaas si uu isaguna uhor keeno kulanka baarlamaanka.

Lama hubo waxa uu ku danbeeyni doono Mooshinkan imminka lawado,iyada oo la xasuusanyahay in mooshino dhowr ah oo kan ka horeeyayna ay ku dhammaadeen guul-daro aanan la ogayn sababta rasmiga ah ee kadanbeyso.

Madaxweynaha Maamul-goboleedka Koonfur-galbeed Mudane;Shariif Xassan ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay nin galaan-gal fiican uleh siyaasada Soomaaliya,Saaxiibo badana ku xidhan islamarkana ay adag tahay in si fudud xilka uu kuwaayo.

Sikastaba ha ahaatee,Mooshinkan ayaa kusoo aadaya xillii uu shir wadatashi ah Magaalada Muqdisho uga socdo Madaxda DFS iyo Maamulada Xubnaha ka ah oo ay hoggaaminayaan Madaxweynayaasha maamul-goboleedyada kala ah:-Puntland,Gal-mudug,Hir-shabeelle,Koonfur-galbeed iyo Jubbaland.

Leave a Reply