Safiirkii Soomaaliya Ufadhiyay Jabuuti Oo Xilka Laga Qaaday.

Muqdisho(FMN)—Wareegto qoraal ah oo ay soo saartay Wasaarada Arimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xilkii looga qaaday Danjiirihii Soomaaliya ufadhiyay Dalka Jabuuti Mudane!Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen(Guul-wade).

Danjiire;Guulwade ayaa ah rug caddaa siyaasadeed oo muddo dheer kusoo dhex jiray qaab dhismeedka dawlada soomaaliya,isaga oo xilligii xukummadii Siyaad barrene kasoo qabtay xilka taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Wareegtadan kasoo baxday Wasaarada Arimaha dibada iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya ,ayaa sidoo kale lagu xusay in xilkaasi si ku meel gaadh ah loogu magacaabay Mudane;Cabdiraxmaan Maxamed Hiraabe oo noqonaya sii hayaha Xilka Safiirka Soomaaliya Ee Jabuuti inta laga soo magacaabayo  Safiir rasmi ah oo shaqadaasi kala wareega.

Dhawaan ayay ahayd markii ay wasaaradu soo bandhigtay qorshe ay ku doonayso in ay is bedel balaadhan ugu sameeyso Safiirada iyo Safaaradaha ay Soomaaliya ku leedahay dalalka Caalamka.

Xeerka shaqaalaha ee wasaarada Arimaha dibada ee Soomaaliya ayaa qoraya in aanu safiirna muddo kabadan 4  Sanno joogi karin hal wadan,taas oo keentay in ku dhawaad 8 safiir oo muddo dheer dalalka dibada Danjiirenimo ku joogay ay haatan xilalkooda waayaan.

Si kastaba ha ahaatee waxaa la filayaa in maalmaha inagu soo aadan isku shaandheyn iyo xil ka qaadis balaadhan lagu sameeyo Safiirada iyo diplomaasiyiinta Soomaaliya ujooga Dalalka Caalamka.

Leave a Reply