Safaarada Soomaaliya Ee Suudaan oo War Ka soo Saartay Xaalada Dhaawacyadii Dalkaas La geeyay.

Khartuum(FMN)-Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Suudaan ayaa war bixin rasmi ah kasoo saartay xaaladaha caafimaad ee ay ku suganyihiin Dhaawacyadii ku waxyeeloobay qaraxii dhawaan ka dhacay magaalada muqdisho ee dalkaasi suudaan lageeyay,si loogu soo daweeyo.Iyada oo ay Dawlada Qatar qaadatay Mas’uuliyada wax uqabashada dhaawacyadaas iyo qarashaadka ku baxayaba.

War qoraal ah oo ay safaaradu soo saartay ayay ku sheegtay in xubnaha safaarada lagu kala qoray Isbitaalada kala duduwan ee loo kala qaybiyay dhaawacyadii Muqdisho laga keenay,si loola socda hadba xaalada dhabta ah ee ay ku suganyihiin iyaga dadka eheladooda ah ee hore usoo raacay.Safaaradu waxa ay intaas raacisay in ay soo hagaagayso xaalada caafimaad iyo nololeed ee dadkaasi dhaawacyada qabay.

Dhaawacyada ayaa loo kala qeybiyay toddoba Cusbitaal oo waaweyn oo mid walba loo geeyay dhaawacyadii uu takhasuskiisa ahaay.7 da Cusbitaal ayaa kala ah:-

  1. Cusbitaalka Tayamus-Academy
  2. Cusbitaalka Xaaji Saafi
  3. Cusbitaalka Kuwayd
  4. Cusbitaalka Umdurmaan
  5. Cusbitaalka Daaral Cilaaj & Yastabshiruun
  6. Cusbitaalka Fudeyl & faysal
  7. Cusbitaalka Royal care.

Dhawaan ayay ahayd markii ay soo baxeen warar sheegaya in;xaalad nololeed oo qalafsan ay lasoo deristay dhaawacyadii dalkaas lageeyay iyo eheladii lasocday.Balse Safaarada ayaa arinkaasi beenisay iyada oo ku dooday in meesha la geeyay ayna ahayn Isbitaalkii loogu talo galay in lagu daweeyo,balse ay ahayd xarun kumeel gaadh ah oo lagu kala saarayay ka hor inta aanan dhaawac walba loo gudbin Dhakhaatiirta ku tasuska leh.

Leave a Reply