Roobab Lagu Qabowsaday oo Ka Da’ay Degmada Feer-feer.

Feer-feer(FMN)-Qaar kamid ah bulshada ku dhaqan magaalada feer-feer oo lasoo xidhiidhay qeybta war-qabadka ee Shabakada warbaahinta  Feer-feer Media Network(FMN),ayaa noo xaqiijiyay in;uu halkaasi ka curtay roobkii Xilligan ee sida weyn loo sugayay,islamarkaana  ay xalay heleen daruur xoogan oo aad loogu qaboowsaday.

Roobkan  oo muddo ku dhaw 2 saac ku da’ayay magaalada iyo deegaanada ku xeeran ayaa ahaay mid si wanaagsan  ubiya dhigay,oo xareedu ay wadhantahay dhulka badankii,iyadoo sidoo kalena togga weyn ee magaalada dhexmara uu biyo fiican keenay.Togga ayaa ku faafa deegaano fog-fog oo ku habboon daaqsiga xoolaha iyo qodashada beerahaba.

Dadka deegaanka oo ah kuwa ay saameyn adag ku reebeen abaarihii is daba joogga ahaay ee soo maray, ayaa aad oogu farxay daruurtan ay heleen iyaga oo Allaah(SWT)uga mahad celiyay,kana beryay inuu usii ziyaadiyo nimcadan uu siiyay.

Si sikastaba ha ahaatee,waxaa maalmihii udanbeeyay lasoo sheegay roobab kan la mid ah oo ka da’aya qeybo badan oo kamid ah dhulka ay soomaalidu degto.Inkastoo ay roobabkani yihiin kuwa bilaaw ah oo aan ku filnayn in  ay si buuxda dhulka nabaad ugasoo saaraan,Haddana;waxa ay farxad iyo yidadiilo galinayaan dhammaanba ummada soomaaliyeed ee sida weyn ugu ooman Raxmadda Eebbe.

Allaah(swt),waxa aan weydiisanaynaa in uu ummaddiisa lasoo gaadho gar-gaar raxmadeed oo lagu baahi gooyo,islamarkaana uu ka jabiyo abaarta daba dheeraatay ee dad iyo duunyaba galaafatay.

Leave a Reply