Ra’isulwasaraaha Itoobiya oo Ka Warbixiyay Xaaladda uu Dalkiisu Haatan Kusuganyahay Iyo Isku Dhacyada Qaar kamid ah Qowmiyadaha Dalkaas.

Addisabeba(FMN)—Shir Jaraa’id uu xafiiskiisa ku qabtay R/Wasaaraha Itoobiya Mudane;Hailemariam desalegn ayuu ku sheegay inay Golaha Ammaanka Qaranku ay qaadayaan tallaabooyin wax looga qabanayo iskudhacyada shacabka.Isaga oo xusay inay Golaha Amniga Qaranku soo saareen qorshe wax looga qabanayo Nabadda iyo Ammaanka dalka, isla markaana lagu xalinayo khilaafaadka.wuxuuna intaa kudaray R/wasaaruhu inay dawlada federaalku shaqadani durbaba bilaawday.

Isaga oo hadalka sii wata ayuu caddeeyay in Goluhu uu diiradda saarayo sidii wax looga qaban lahaa arrimaha iskudhacyada, iyadoo la laqaban doona kulamo nabadeed oo qaybaha kaladuwan ee shacab laga qayb gelinayo islamarkaana kulamadan taxanaha ah ayaa lagusoo xidhi doonaa wada hadalada dadweynaha. 

Mudane;Hailemariam ayaa  carrabaabay in ay jiraan dad faraha kulajira falal iyo ficillo fool xun oo kadhan ah, hawlaha ciidamada isku dubaridan ee ammaanka dawlad deegaanada iyo ciidamada federaalka isagoo uga digay shaqsiyaadkaas in ay joojiyaan xadgudubka iyo in laga wada shaqeeyo inaan abuurno nabad waarta,R/wasaaraha ayaa intaas kudaray inay dawladu kuhawlan tahay arrimahan ilaa biloowgii 7aadkan.

Sidookale arrintan iskudhacyada deegaanada soomaalida itoobiya iyo Oromada oo ah meelaha lagu muransan yahay islamarkaana ay kabarakaceen shacab gaadhaya ilaa 100,000 oo qof,ayuu carabka ku adkeeyey inay dawladu aas-aastay Guddi sare,islamarkaana toddobaadkan dhexdiisa loo dirayo gudiyo si joogto ah uga shaqeeya hawlan.Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dooday  in xaalada nabadgalyada dalkiisu hadda wanaagsan tahay.

Sidookale mar wax laga waydiiyey ka dib markii ay colaaddu kadhex dhalatay xuduudaha Soomaalida Itoobiya iyo Oromiya,wuxuu Isfahan la’aan iyo kaladuwaan kadhex abuurantay ururada siyaasadeed ee EPRDF xubnaha ka ah iyo ururrada siyaasadeed ee bahwadaagta EPRDF, ayuu Ra’iisul-wasaarahu ugu jawaabay “ in dhibaatadu tahay shaqsiyo kamid ah hogaaminta ururada siyaasada, ee aysan ahayn dhinaca Xisbiyada siyaasada”.wuxuuna sheegay iyadana inay jiraan dad shacabka kunool deegaankooda aan u arkin sida shacabkiisa oo kale oo fikir xidhiidhyoon leh.waana dhibaato ay kasiman yihiin dhammaan ururada EPRDF iyo kuwa bahwadaagta la ah ayuu yidhi.

Dhinaca kale, Mudane;H/mariam Desalegn ayaa cadeeyey inay jireen shaqsiyaad ciidamada ammaanka kamid ah oo intay meel iskadhigeen wajibaadkoodii ahaa “ilaalinta ammaanka,xoojinta dastuurka iyo dhowrida nidaamka federaalka, si aan dastuurku ogalayn ku arkay shacabka oo u kalaqaybiyey qabiil,Midab iyo Qowmiyado.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa cadeeyey inay dawladu ay tallaabo ka qaaday qaar ka mid ah ciidamada ammaanka ee ku lugta leh colaadda iyo isku dhacyadii dhex maray qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.Waxuuna sheegay in lasiiwadi doono hawlaha sharciga lagu horkeenayo dadkii falkan xun kulug lahaa ee dawlada kamidka ahaa.

Dhanka kale waxaa wax laga waydiiyey masuulka arrinta ah, in xogta ay EPRDF sidaahsan ushaaciso ama ay qarisaba uu shacabku siyaabo kaladuwan usoodhigo baraha bulshada,wuxuuna yidhi “dhibaatada dhinaca bixinta xogta dawladu, waa iyadoo dawladu iftiimiso macluumaadka lakiin ayna xog faahfaafsan bixin, Laakiin xukuumadu waxay qirsantahay inuu shacabku fashilayey xanta iyo xogaha been abuurka ah ee warbaahinta bulshada lagu faafiyey. 

Sidookale Su’aasha la xidhiidha  kala qaybsanaanta ururada EPRDF ku bahoobay, ayuu isagoo tusaale ahaan usooqaatay shirarkii dhawaan laqabtay ee midnimada EPRDF uu Raisalwasaarahu gaashaanka kudhuftay aragtida noocaan ah wuxuu yidhi,”Hadii lakala fogyahay, Sidee ayay xisbiyo kalaqaysani kulamadii kaladuwanaa ugu soodhigi lahaayeen fikradihii midaysnaa ee aad arkayseen?”.

Sidookale mar wax laga waydiiyey Ra’iisul Wasaaraha “Waqtiyadii ugu dambeeyay, dowlad deegaanada ayaa kadheereeyey dawlada federaalka,ee maxaa kajira arrintaasi ?” ayuu yidhi “Dastuurka wadankeenu wuxuu toos u qeexayaa awoodaha dawlada federaalka iyo awoodaha dawlad deegaanada, hadii ay hormarka nooga dheereeyeena dhibaato malaha waana kufaraxsanahay,waxaa darnay d inladhaho dawlad deegaanada aan baajeedka badan u qoondeeynay ma aysan awoodin inay gaadhaan heerkii loo baahnaa”.

Waxa kale oo uu sheegay Raysalwasaaruhu in shirarka iskuxidhka bulshada deegaanada deriska ahi ay ku jireen qorshaha dawladda federaalka , ee aanu ahayn fikir ay abuureen deegaanada Amxaarada iyo Oromadu. Waxaana lagu bilaabay qoomiyadaha Oromada iyo Amxaarada, taas oo muujinaysa inay dawlada federaalku sii wadi doonto kulamadan iskuxidhka shucuubta dhammaanba deegaanada deriska ah, ugu danbeyntiina kusooxidhi doono shir heer qaran ah.

Dhanka kale iyadana mar wax laga waydiiyey inuu xisbiga EPRDF dhexdiisu dhamaystiray qorshahi qiimayta dib u curashada qotada dheer? Ayuu masuulku xusay inay xiliyadii hore ay dawlada iyo xisbiga EPRDF-ba ay kudhexjireen ganacsadayaal kutiirsan hogaaminta dawlada,kadib markii uu xisbiga EPRDF laftiisu dib iskusaxayna, waxaa iyadana rabitaanka xukuumadda lagu saxay nidaamkii hore ee ay maalqabeenada tirada yar caqabada kunoqon jireen kobaca dhaqaalaha wadanka.Laakiin haddana waxaa jira hogaamin uu kujiro aragtida xoolo-cir udoonimada oo iyagoo eegaya danahooda gaarka ah ee faa’iidada siyaasadooda dhaqaale iskudhuftay shacabka.Isagoo tusaale usooqaatay dhacdadii foosha xumayd ee dhawaan Aawaday kadhacday,wuxuuna intaas kudaray inuu khilaafkii aawaday uu salka kuhayey, iyadoo ay masuuliyiin dulsaar ah ay kudoonayeen, maadaamada aagan jaadka aadka looga beerto inayna beeralaydu kafaa’iidaysan waxsoosaarkooda.

Guud ahaan, inkastoo uu dhaqaaluhu koray, hadana waxaa jira dhibaatooyin dhinaca xoolo-cir udoonimda ah.Ra’iisul Wasaare H/mariam desalegn ayaa sheegay inuu ururka EPRDF sii wadi doono geedi socodka siyaasada hormarineed ee dhaqaalaha iyo hirgelinta nidaamka dib-u-curashada qotada dheer ee diirada lagu saarayo lahalganka dulsaarnimada dhaqaalaha, illaa iyo inta aan kaxaqiijinayno saraynta kobaceena dhaqaale.

Ugu dambayntiina R/Wasaaha ayaa wax laga waydiiyey arrinta bilyanneerka itoobiya udhashay ee Sheekh Maxamed Xuseen Cali al-Amoudi oo dawlada boqortooyada Sacuudi Carabiya ay arimo musuq laxidhiidha uxidhtay maalqabeeno iyo madax uu kamid yahay wuxuuna sheegay R/Wasaahu inay dawladu qaab diblamaasi ah baadhis uga wado xogta arrinta al-Amoudin.Isagoo intaas ku daray in aanay xukuumadda itoobiya aaminsanayn arrinta odhanaysa baadhis tii hore lamid ah ayaa lagu samayn maalgalinta uu Itoobiya kuleyahay. Intaa ka sokow, Sacuudi Carabiya waa waddan madax banaan, mana jirto wax la xidhiidha dawladda Itoobiya oo ay kashaqayn karto.

Isha Xogtan:

Leave a Reply