Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Oo kulan Mahad-celin ah la qaatay Wasiirka Caafimaadka Djabouti.

Muqdisho(FMN)-Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Mudane;Xassan Cali Kheyre,ayaa kulan mahad celin ah la qaatay Xubnihii gurmadka ahaay ee ka socday dalka Djabouti oo uu hogaaminayay Wasiirka Caafimaadka Djibouti Mudane;Jaamac Cilmi Cukuyie oo galabta booqasho ku yimid Soomaaliya.

Kulanka ayaa ka dhacay xarunta kumeel gaadhka ah ee ay ku howl galayaan gudigan isku dhafka ah ee gurmadka qaran ufidinaya dadkii ku waxyeeloobay qaraxii weynaa ee jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay agagaarka is-goyska Zooppe ee magaalada muqdisho.

War qoraal ah oo lagu faafiyay barta uu ra’sul wasaaraha Soomalaya ku leeyahay Facebook-ga ayaa lagu sheegay in;Ra’isulwasaaraha oo ay wehliyaan xubno kamid golaha wasiirada iyo maamulka gobolka banaadir ay booqasho mahad celin ah ugu tageen xubnaha reer Djabouti oo ka kooban 30 xirfadlayaal Caafimaad oo uu hor kacayo wasiirka caafimaadka ee dalka Djabouti.

Wali waxaa socda gurmad qaran ee loo fidinayo dadkii ku aafoobay mashaqadii muqdisho ka dhacday,iyadoo qaar kamid ah dhaawacyada ee ay xaaladooda caafimaad cuslaydna loo qaaday dalka dibadiisa.

Leave a Reply