Ra’isul-Wasaare;Kheyre oo Soo Gababeeyay Booqashadiisii Turkiga,Dalkana Ku Soo Wajahan.

Ankara(FMN)—Ra’isul-Wasaaraha Xukumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane;Xassan Cali kheyre ayaa soo afjaray booqashaddii uu ku joogay dalka turkiga,isaga oo saacadaha soo socdana la filayo inuu gaadho magaalada Muqdisho ee Caasimada Wadanka Soomaaliya.

Ra’isul-Wasaaraha ayaa muddadii uu ku sugnaay dalka Turkiga waxa uu kulumo is daba joog ah la yeelanayay madaxda dalka Turkiga oo ay ugu horeeyaan Madaxweyne;Ordugan,Ra’isul-Wasaare;Binali iyo  wasiirka arimaha dibada ee dalkaasi,oo balan qaaday inuu dhawaan booqasho rasmi ah ku immaani doono Soomaaliya.

Dhanka kale Ra’isul-wasaare;Kheyre iyo waftiga uu hoggaaminayay ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah shirkadaha iyo Hay’adaha ka shaqeeya maal-gelinta iyo Horumarinta oo ay kawada hadleen siddii ay dibudhiska soomaaliya kaalintooda uga qaadan lahaayeen.

Waxaa kale oo waftiga Ra’isul-wasaaraha ay booqdeen qaar kamid ah isbitaalada ku yaala magaalada Ankara ee lagu daweynayo dhaawacyadii ay waxyeeladu ka soo gaadhay qaraxii 14kii bishan ka dhacay Magaalada Muqdisho ee dalka turkiga la geeyay.

Sikastaba ha ahaatee,waftiga ra’isul-wasaaraha ayaa sheegay in ay aad ugu  qanceen kana mahadcelinayaan qaabka loosoo dhaweeyay,ayna ku faraxsanyihiin dhammaanba waxyaabahii uqabsoomay intii ay socdaalkooda ku guda jireen,iyaga oo sidoo kalena carrabaabay in ay tani sii xoojinayso xidhiidhka qotada dheer ee labadaasi dal ka dhaxeeya.

Leave a Reply