Ra’isul Wasaare;Kheyre Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Dalka Turkig.



Ankara(FMN)—Ra’isul-Wasaaraha Xukummadda federaalka ah Ee Soomaaliya Mudane;Xassan Cali kheyre iyo Waftigii uu hoggaaminayay ayaa caawa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Caasimmada ah ee Ankara.

Waftiga Ra’isul-wasaaraha oo ay kamid yihiin;Wasiirka amniga gudaha, Wasiirka qorsheynta iyo xildhibaano katirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya waxaa garoonka kaga hortagay Madax sar-sare oo katirsan dawlada dalka turkiga,Xubno ka socday Safaarada Soomaaliya ee dalkaas iyo qaar kamid jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka turkiga kusugan.

Soo dhaweynta iyo kulan kooban kadib waftiga ayaa loo galbiyay halkii ay ka degi lahaayeen magaalada iyadoo saacadaha inagusoo aaddana la filayo inuu ra’isul wasaaraha bilaabo howlahiisa shaqo isaga oo la kulmi doona madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka turkiga oo ay kala hadli doonaan danaha iyo iskaashiga labada dal ka dhaxeeya.

Sidoo kale,Waftigu waxuu kulamo la qaadan doonaa qaar kamid ah Dublamaasiyiin dalalka shisheeye ee dalkaasi jooga oo dhammaantood uu kala hadli doono danaha iyo xidhiidhka Soomaaliya kala dhaxeeya iyo sida ay kaalmo uga geysan karaan dib udhiska iyo nabad kusoo dabbaalida Soomaaliya.

Ugudanbayntana,waxaa la rajaynayaa in waftiga ra’isul wasaaraha ay booqan doonaan isbitaalada ay yaalaan dhaawacyadii dhawaan ku waxyeeloobay qaraxii weynaa ee 14kii bishan ka dhacay magaalada Muqdisho.

 

Leave a Reply