Ra’isul Wasaare;Kheyre Oo Dalka Turkiga U Ambabaxay.

MuqdishoFMN)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane;Xassan Cali Kheyre ayaa goor dhow u ambabaxay dalka Turkiga.Waxaa uu  casuumaad rasmi ah ka helay dowladda Turkiga sida ay shaaciyeen Mas’uuliyiinta dowladda.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa kulan gaar ah la qaadan doona Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, iyadoo ay ka wada hadli doonaan xaaladihii ugu dambeeyay Soomaaliya.Waxaa Sidoo kale la filayaa in ra’isulwasaaruhu uu booqan doono isbitaalada ay yaalaan dhaawacyadii Dhawaan la geeyay dalka Turkiga.

Leave a Reply