Ra’isul Wasaare;Kheyre Oo Berrito Ka Qeyb-galaya Caleema Saarkaa Madaxweynaha Hir-Shabeelle.

Muqdisho–FMN– Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa Berri aadi doona Magaalada Jowhar Ee Caasimadda Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle,halkaas oo uu uga qeyb geli doono Caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

Wafdi ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo hor-dhac u ah Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa Maanta tagaya Magaalada Jowhar oo berri lagu qabanayo Caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Dhanka kale Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay,waxaana Magaalada lagu daadiyay Ciidamo badan oo isugu jira Boolis iyo Nabad Sugid kuwaas oo Xaqiijinaya Ammaanka Wafuuda ka qeyb galeysa Caleemasaarka.

Sidoo kale Caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabeelle waxaa ka qeyb geli doona qaar kamida Madaxweyneyaasha Maamul Gobolleedyada oo lagu Casuumay Xafladda caleemasaarka.

©Xigasho=Radio Kulmiye.

Leave a Reply