Raggii Geystay Qaraxii Udanbeeyay Ee Muqdisho Oo La Ogaaday Aqoonsiyada Ay Siteen.

Muqdisho(FMN)—Shan ka mid ah raggii hubaysnaa ee gudaha ugalay Huteel Naasa Habloo 2 ee dadka kor udhaafay 23 ku dilay,30 kalena dhaawacay ayaa lasoo ogaaday in ay siteen Aqoonsiyada(ID Cards)hay’adda Nabad-sugidda Qaran(NISA)ee Soomaaliya,taas oo u sahashay in ay kasoo gudbaan goobo badan oo dadka lagu baadhayay ilaa ay kasoo gaadheen Goobta ay weerarka ka fuliyeen.

Dableyda weerarka geysatay oo ka tirsanayd kooxda Alshabaab ayaa ku labisnaa dareeska Ciidamada Nabad-sugidda Soomaaliya,iyaga oo sidoo kalena watay Kaarasha aqoonisga shaqaalaha Hay’addaas oo ay ku yaalaan Sawiradooda, Darajadooda iyo Magacyadooda oo Dhamaystiran,waxaana adkayd in la hor joogsado maadaama ay sharciyadooda udhamaystirnaayeen.

Adeedgsiga aqoonsiga iyo Labiska Hay’adda Nabad-sugidda ayaa sidoo kale abuuraya tuhun weyn oo laga qabo jiritaanka unugyo qarsoon oo xidhiidh iyo wada shaqayn fiican la leh Kooxda alshabaab ee weerarka ba’an ku haysa Shacabka iyo Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Weerarkan ayaa yimid laba toddobaad un ka dib markii uu Magaalada Muqdisho ka dhacay qarax tankiisu weynyahay oo galaaftay nolosha ku dhawaad 400 oo ruux halka tiro intaas ka baddana ay dhaawacyo ka soo gaadheen,hanti badana ku bur-burtay.

Halkan kasii akhriso Warbixintan Oo dhamaystiran.

Leave a Reply