Qaraxyo Mattaano ah oo Goor Dhaw Muqdisho ka dhacay.

Muqdisho(FMN)—Qarax gaari weyn loo adeegsaday ayaa ka dhacay Hotel Naasahablood 2 oo ku yaalla xaafadda Xamar-weyne ee Magaalada Muqdish, waxaana xigay daqiiqado kadib mid kale oo ka dhacay meel aan ka fogeyn.Qaraxa labaad ayaa sida lasheegay isna loo adeegsaday gaari yar oo la dhigay Ex-Parliament.

Wararka horudhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in 8 qof oo dhaawac ah loo qaaday Isbitaallada,halka ugu yaraan la xaqiiyay dhimashada 15 ruux,wararka qaar ayaa intaas ka badinaya dhimashada iyo dhawaacaba.

Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan iyada oo wali lasoo werinayo in ugu yaraan laba kamid ah kooxdii weerarka geysatay ay gudaha ugu jiraan huteelka ay weerareen ayna la dagaalayaann Ciidamada Nabad Sugida ee isku dayaya in ay soo bad-baadiyaan dadka gudaha ku go’doonsan.

Waxaa wali ku xayiran gudaha Huteelka oo aan xaaladooda laga war haynin Mas’uuliyiin iyo dad shacab oo isugu jira kuwa deganaa iyo shaqaalihii ka dhex shaqeynayay.

Sidoo kale dadka ku dhinta qaraxaasi waxaa kamid ah Mas’uuliyiin isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano hore iyo saraakiil ciidan oo katirsan DFS.

Saxaafadda ayaa loo diiday in ay gudaha u galaan, waxaana markiiba goobta la wareegay ciidan, waxaa kale oo baaritaan bilaabay rag caddaan ah. Hotelka la weeraray  waxaa iska leh wasiir ka tirsan xukuumadda federaalka ah.waana goob ay ku badan yihiin Mas’uuliyiinta iyo ciidamada  dawlada.

Sikastaba ha ahaatee qaraxan ayaa ku soo aadaya xilli ay dadka Soomaaliyeed wali Xasuustaan qaraxii lagu halaagsamay ee 14kii bishan ka dhacay is-goyska zoppe ee magaalada muqdisho.

Wararka la xidhiidha qaraxyadan iyo waxii kusoo kordhaba dib ayaan idinkaga soo gudbini doonaa haddii Allaha awoodda lihi ogolaado.

Leave a Reply