Qaddiyaddii Qalbi-dhagax oo Dhinac U Dhacday.

Muqdisho(FMN)—Guddigii gaarka ahaa ee ku howlanaa baadhitaanka iyo soo bandhigidda qaabkii ay udhacday dhiibistii Cabdikariim Sheekh Muuse oo looyaqaanay[Qalbi-dhagax]lagu wareejiyay Dawlada itoobiya, ayaa soo saaray warbixin kama danbays ah oo ay ku muujinayaan waxii ay kala kulmeen baadhitaankooda.

Warbixinta ayaa Maanta la horgeeyay golaha shacabka Soomaaliya,iyaga oo dood dheer kadibna go’aan ka gaadhay,soona gabagabeeyay kiiskaas.Waxa ayna Xubnaha Baarlamaanku ugu danbayntii ansixiyeen in arintaasi aan loo marin hab sharci ah, lagana talo-gelin Hay’adaha Garsoorka, iyada oo ay isla markaasna maareysay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka keliya, laguna saleeyay go’aan ku dhisan xog aan sugneyn oo la siiyay Madaxda Qaranka.

Haddaba,Waxa aan halkan idinkugu soo gudbinaynaa nuqul kamid ah warbixintaas oo ay heshay shabakada warbaahinta ee Feer-feer Media Network(FMN).Sidan ayayna uqornayd warbixintu;-


KA BAARAANDAGIDDA IYO QIIMEYNTA QADIYADDA

1. Xiriirka arrintan la leedahay siyaasadda iyo amniga qaranka Maadaama ay Soomaaliya ku jirto marxalad dib u fufinta iyo dib usoo nooleynta Qarannimadii Soomaaliya, waxaa dowladda ku waajib ah in ay mudnaanta koowaad siiso sugidda amniga qaranka, xasilinta xaaladaha iyo nabadeynta dalka. Sida aan ka wada warqabno, Siyaasadda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku saleysantahay nabad kuwada noolaanshada dadweynaha Gobolka Geeska Afrika, iyo dunida kale guud ahaan, iyo gaar ahaan ilaalinta siyaasadda daris wanaagga.

Mabaadii’daas oo aan sinaba u ogolaaneyn in marnaba la aqoonsado ama gabbaad la siiyo urur hubeysan oo liddi ku ah jiritaanka qarannimada ama ammaanka, xasiloonida iyo nabadgelyadadalka ama waddamada dariska ah.

2. Habraaca loo dhiibay Cabdikariim ma waafaqsanyahay shuruucda dalka?

Keddib markaan aragnay dhammaan Dastuurradii ay Soomaaliya soo yeelatay tan iyo xorriyaddii 1960-kii iyo shuruucda dalka ee ku aaddan arrinta isu-gudbinta eedeysanayaasha iyo dambiilayaasha, Guddiga waxaa usoo baxday in dhiibista Cabdikariim Sheekh Muuse “Qalbi Dhagax” aan loo marin hab sharci ah, lagana talo-gelin Hay’adaha Garsoorka, iyada oo ay isla markaasna maareysay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka keliya, laguna saleeyay go’aan ku dhisan xog aan sugneyn oo la siiyay Madaxda Qaranka.

3. Ururuka ONLF ma yahay urur argagixiso ah.

i. Guddiga Baaris keddib waxaa usoo baxday in caalamka uusan u aqoonsaneyn ONLF, aysanna ahayn Urur Argagixiso ah maadaama aanay ku jirin liiska argagixisada Caalamiga ah.

ii. Siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliyana kama mid aha in ay aqoonsato ama gabbaad siiso jabhad ama ururro hubeysan oo duullaan ku ah nabadgelyada iyo jiritaanka dalka iyo Waddamada dariska ah iyo guud ahaan dunida inteeda kale.

QARAAR: TALOBIXIN IYO TOOSIN

Haddaba, Guddigu waxa uu Golaha sharafta leh usoo jeedinayaa inuu ansixiyo talooyinka iyo toosinta soo socota.

1. Xukuumadda waxaa la farayaa in dhakhso uga hawlgasho soojeedinta hindise sharciyeedka ku xusan Lifaaqa D Farqada, (5) ee Dastuurka Federaalka, oo ilaa iyo hadda la dejin, loona baahanyahay in la horkeeno Barlamaanka Federaalka.

2. Ilaa iyo inta sharciga isu-celinta eedeysanayaasha laga meelmarinayo, waxaa arrimaha u abbaaran isu-celin eedeysanayaal lagu maamulayaa si waafaqsan xeerka ciqaabta u degsan Soomaaliya; Xeer Lr.5 ee 16-ka Disembar, 1962-dii iyo hab-raaca xeer ciqaabta u degsan Soomaaliya; Xeer Lr. 1 ee 1-dii Juun, 1963-dii.

3. Xukuumadda Federaalka waxaa la farayaa in ay taxadar dheeraad ah muujiso markasta oo ay maareynayso hawlaha arrimaha xasaasiga ah, hawlfulinteeduna hubiso in ay hor iyo horraan hesho xog sugan keddibna u fuliso si waafaqsan farriimaha Dastuurka iyo Shuruucda Dalka.

4. In Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dib u eegis ku sameyso heshiisyadii hore loo galay si loo dhameystiro, loona waafajiyo hab-raaca sharci-dejinta Dalka.

5. In hay’adaha amniga, gaar ahaan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ka fogaadaan in ay bixiyaan xogo aan sugneyn oo aan si fiican looga baaraandegin.

6. Guddigu wuxuu Golaha Shacabka usoo jeedinayaa in laga fogaado arrin kasta oo keeni karta xasilooni darro siyaasadeed ama abuuri karta khalkhal amniga, in si wadajir ah looga wada shaqeeyo wax kasta oo inaga khaldama.

7. Guddigu wuxuu kaloo Golaha Shacabka usoo jeedinayaa in arrin kasta oo xasaasi ah loo xalliyo sida ay ku jirto wanaagga guud iyo daryeelidda danta Qaranka.

8. Sidoo kale Guddigu wuxuu Golaha Shacabka iyo dhammaan Hay’adaha Dowladda usoo jeedinayaa in si wadajir ah looga wada shaqeeyo soocelinta sharafta iyo karaamada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

9. Guddigu markii uu qiimeeyay xogta uu ka helay madaxda uu wareysiga la yeeshay waxaa usoo ifbaxay in mucaahadooyinka caalamiga ah oo ay Soomaaliya qeybta ka tahay aan aad looga warqabin. Saa daraadeed Guddigu waxa uu ku talinayaa in ay lagama maarmaan tahay in lasoo aruuriyo dhammaan mucaahadooyinka (treaties), Cahdiyada (Conventions), Heshiisyada (Agreements), Is-afgarad (Accords), Baratakoollada iwm oo tan iyo xorriyaddii 1960-kii ilaa hadda dib loo daabaco oo la badiyo, loona qeybiyo dhammaan hay’adaha Dowladda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedyada si ay go’aan qaadashadooda ugu sugnaato uguna fududaato. Sidoo kale in la galiyo baraha Internet-ka si dadweynaha iyo ciddii kale oo daneynaysana si ay si fudud xog ogaal ugu noqdaan.

Leave a Reply