Ol-ole Nadaafadeed Oo Ka Socda Goobtii Uu Ka Dhacay Qaraxii Muqdisho.

Muqdisho(FMN)-Ol-ole balaadhan oo lagu nadiifinayo goobtii uu ka dhacay qaraxii dadka badan ku halaagsameen ayaa saaka ka bilaawday magaalada muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Ol-olehan oo ay ka qeybqaadanayaan dad aad ufara badan oo mutadawiciin ah ayaa ujeedadiisu tahay siddii loosoo celin lahaay nadaafadii iyo bilicduu lahaay deegaanka uu qaraxaasi saameeyay oo ah agagaarka Is-goyska Zoppe iyo dhismayaasha ku teedsan hareeraha Wadadaasi.

Dadka wada howshan nadiifinta ah ayaa isugu jira;Xubno kasocda maamulka gobolka banaadir oo uu hoggaaminayo duqa magaalada Muqdisho Mudane;Thaabit iyo Dhalinyaro iskood isusoo abaabulay,Haween iyo Ardayda dugsiyada Dhigata,Ganacsato iyo qeybo badan oo kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada muqdisho.

Dadka Soomaaliyeed ayaa tan iyo waxii ka danbeeyay markii uu qaraxaasi dhacay muujiyay isku duubni iyo midnimo ku aadan sidii loo caawin lahaay dhammaanba dadkii ay waxyeelada kasoo gaadhay Musiibadaasi qaran.

 

Leave a Reply