Mugaabi Oo Doonaya In Dib Loo Soo Celiyo Xukunkii Dilka Ahaay Ee Dalkaas.

Harare(FMN)—Madaxweynaha Dalka Zimbabwe;Robert Mugaabi ayaa codsaday in dib loo soo celiyo ku dhaqanka xukunkii dilka ahaay ee lagu fulin jiray dadka denbiyada waaweyn gala ee  dal kaasi ka jiri jiray.

93 jirkaan muddada dheer soo hayay talada dalkaas ayaa arintani sheegay mar uu ka hadlayay  goob ku taala caasimada dalkaas ee Haraare oo baroor diiq loogu sameeynayay siyaasi ay saaxiibo ahaayeen.Waxuuna yidhi;

“Aan soo celino xukunkii dilka ahaay.Dadku nolosha ayay ku dheelayaan iyaga oo mid mid isu dilaya.Ma taas baa waxa aan dalkani u xoreeynay?Waxa aan doonaynaa in uu dalkani noqdo mid nabad ah oo dadkiisuna reyn-reyn ku noolyihiin.Umma bahnin bulsho mid mid isu laaynaysa.”

Hadalka Madaxweyne;Mugaabi ayaa kusoo aadaya xilli wasaarada caddaalada ee dalkaasi ay dhawaan shaacisay in ugu yaraan 50 qof ay soo codsadeen jagada Ninka dadka Dal-dala(hangman Post).

Xukunkii udanbeeyay ee dil ah ee la fuliyo waxa uu ahaay sanadkii 2005 ta.Markaa oo  ninkii shaqadaasi hayni jiray uu howl-gab noqday.In kabadan 90 maxaabiis ayaa ah dil sugayaal sida uu muujinayo tiro koob rasmi ah oo ay soo xigatay Wakaalada wararka ee AFP.

Leave a Reply