Mudane;Madaxweyne:Meeshu Mareykankii Ma ahan!-Maqaal.

Mudane;Madaxweyne:Meeshu Mareykankii Ma ahan!-Maqaal.

W/Q:-Cabdirisaaq Macalin Cilmi.


Bishan gudaheeda, inta aan ka warqabo ugu yaraan waa markii labaad ee arin uu Madaxweyne;Farmaajo si rasmi ah u iclaamiyay uu dib udhac ku yimmaaddo amaba uu fuli waayo.21kii bishan waxuu codsaday inuu si deg deg ah ula kulmo xubnaha labada aqal ee Soomaaliya,Se taasi ma dhicin sabab sax oo kaliftayna shacabka looma sheegin ee waa laga sii socday un.

Sidoo kale waxuu 28ka isla bishan Magaalada Muqdisho ku cassuumay dhammaan madaxweynayaasha Maamul-goboleedyada Dalka in ay kasoo qeyb galaan shir wada tashi ah oo ay martigalinayso Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya loogana Arinsanayo xaaladihii udanbeeyay ee dalka iyo mad-madowga soo kala dhex galay dawlada dhexe iyo Maamulada xubnaha ka ah.Shirkaas asna waa baaqday oo maanta oo sabti ah baa loo balansanaa,lagumase guulaysan.

Sida saan-saanka hadda jira laga dheehan karana;waa ay adagtahay inuu shirkaasi qabsoommo,Haddii uu qabsoomana waxaa aad u cakirnaan doonta in la isku af garto oo wax dhab ah oo la isku raacsanyahay ay kasoo baxaan.

Intaas un ma ahan ee Marar badan oo hore waxaa iska hor-imaaday hadallo ama go’aano Madaxweynaha kuwiisa ah.Waxa kale oo dhacday in qaar ka mid ah golaha Wasiirada jeediyaan warar iyo warbixinno kala waji ah,taas oo ugu danbayntii sababtay in;Xafiiska Ra’isul-wasaaruhu soo saaro wareegto wasiirada looga mamnuucayo in ay warbaahinta la hadlaan ka hor inta ayna Xafiiska Ra’isul-wasaaraha soo war gelinin oo fasax aan loo siinin.

Haddaba,Waxaa la isweydiin karaa;Sidee wax ujiraan?Maxaa sababaya in ay socon waayaan dhawaaqyada Mdaxweyne;Farmaajo kasoo fulaya?.Maxaase xal ah si ayna mar danbe arimmaha ceynkan oo kale ah usoo laab-laabanin?

Ugu horeyn,sida aan lawada socono,;Madaxweynaha Soomaaliya Mudane;Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxuu 40kii sano ee udanbeey Kunoolaa oo inta badana ka shaqeeynayay dalka Mareykanka.Mudadaas uu dalka Mareykanka Joogay inteedii hore waxuu kantirsanaa shaqaalaha Safaaradii Soomaaliya ku lahayd Washington.

Markii ay Dawladdii Soomaaliya bur-burtayna waxuu iska dhiibay isla dalkii uu Dublomaasiga ku ahaay isaga oo ugu danbayntiina qaatay dhalashada dalka mareykanka.Isaga oo markii danbena  la shaqeeynayay xafiisyo iyo hay’ado badan oo Ameerikaan ah.

Dabcan;Mareykanku waa dal horumaray oo wax walba ay habaysanyihiin,haggaag iyo habsamina usocdaan,waxaa lagu howl-galaa qorshe waxqabad(Action Plan), kaas oo leh jaangooyo waqti(Time Frame) oo tibaaxaysa in Shaqo walba xilligeeda laqu qabto,dadkeediina ay fuliyaan.Waxaa lagu shaqeeyaa ballan(appointment) oo qof walba meel buu kaballansan yahay. Wayna adagtahay in ballantaas looga baxo,waayo marka hore ayaaba lagasii baaraan degay oo meel lasii saaray siddii ay balantaas usocon lahayd.

Waxa ay haaystaan tasiilaad badan oo usuura galin kara in wax walba ay ku qabsoomaan waqtigii loo cayimay iyo siddii loo qorsheeyay.Waa dad kala danbayn iyo sareynta sharciga wada aaminsan una hoggaansan.Sidaas ayuu Madaxweyne Farmaajo ku yaqaanay in shaqadu ku socoto.Waxa uu arki jiray Ammaro soo baxa oo siddii ay ahaayeen udhaqan gala.

Haatan oo uu Soomaaliya Madaxweyne Kayahay,waxuu u muuqdaa inuu wali ku dhegan yahay dhaqamaddii dhanka Shaqada ee Mareykanka ka jiray.Waxaa u sawiran howlihii badnaa ee la hirgalinayay iyo hannaankii wanaagsanaa ee loo qabanayay. Waxaad moodaa inuu aammin san yahay in wax walba lagu qabto muddo kooban gudaheed(With in A short Period Of Time).Deg-deg iyo fudeyd badan baa ka muuqda,in ay daacadnimo katahayna waa laga yaabaa,waase haddii loo qiil dayo’e.

Laakiin Soomaaliya,Sida uu moodayo ma ahan umma dhawa,riyyada uu watana waqti dhaw kama dhaqan geli karto .Waayo;waa dal bur-buray oo wax walba oo wanaag iyo dawladnimo ku saabsanaa ay meesha ka baxeen.Ma jiro sharci la isku halayn karo iyo kala ammar qaadasho toona.

Maamullada jira ee uu aaminsanyahay in ay isaga hoos yimmaaddaan oo shacabka u adeegaan; ma ahan kuwa ku yimmid rabittaanka dadweynaha ee ragganimo,nin tooxsi iyo tollimmo ayay ku soo baxeen.Isagana Waxba uma ay oga waayo itaalkiisa ayay arkaan oo iyagaba ayaaba ka awood badan.

Dhanka kale,Bulshadeenu shacab iyo shaqaaleba ma ahan dad la qabsaday dhaqanka ah in;wax walba qorshe iyo waqti go’an ku socdaan.Daacadnimada iyo cad-caddaantuna aad ayay ugu liidataa.Waa dad isku wada jeeda,isla jooga oo haddana isu jaakiraya.Iyada oo la isla qoslayo baa haddana Boqnahana la is jarayaa.

Ballanta iyo waqtiga sidda ay tahay looma ilaaliyo,Qofka Soomaaliga ahi marka aad doonaysid inaad meel ku kulantaan waa in aad usheegtaa waqti ka horeeya midka aad rabtid in aad is haleeshaan,haddii kale waxaa dhacaysa in uu fududaysto oo waqtigii aad uga soo dib dhaco.Wax kale mahan ee waqti kushaqaynta iyo ilaalintiisa baa ah wax ayna horey u aqoonin.

Marka ay timmaadi Siyaasiyiintuna kumaba jiraan oo marnaba suura gal mahan in ninka siyaasiga ah ee soomaaliyeed wax walba oo looga baahdo looga helo waqtiga ugu habboon iyo Sidda lagu hanweyn yahay .Xittaa haddii uu awoodo malahan daacadnimo uu si fur caddi ku dheentahay howshaas ugu qabto oo Cagajiid iyo Caajis badan baa kasoo horeeya.Qaarkood baaba aaminsan in haddii ay wax walba hore ka qabtaan  dadka oo dhan ay kusoo jabayaan.

Taas waxa ay sababtay in siyaasiyiintu ku caan baxaan dhaqanka ah in ay dadka danaha ka lihi meer-meeriyaan oo waqtiga ka lummiyaan. Waa dhaqan hirgalay oo la qaayibay,layaab malahan oo waa lala wada qabsaday. Mararka qaarna Siyaasad iyo xadaarad baaba loo yaqaanaa oo waa lagu faanaa.

Maah-maahyada Soomaalida waxaa ka mid ah”,Qof weyn tag lama yidhaahdee wax uu kutago ayaa la tusaa”.Maah-maahdan iyo qaar kale oo lamid ah waxa ay dhiiragalinayaan in qofka muraadka lihi lagu ciyaaro oo la camal seejiyo ilaa uu ka sabrayana la war-wareejiyo,wajiga loo bedelo ama laga dhuunto oo si cad aan wax loogu sheegin.

Is maqalka iyo kala danbaynta aya iyaguna ah kuwa innagu yar.Qof walba qummanihiisa ayaa qoorta usuran ,Kibir aan meelna jirin baana innagga ka wada buuxa.

Qofka Soomaaliga ah ee Madaxda ahi  dadka uu Mas’uulka ka yahay ma xaq dhowro asna lama xurmeeyo ee waa un la xag-xagtaa oo xummaan loo raadiyaa.Ma jiro Siyaasi Soomaaliyeed oo Ceeb ka saliim ah.Sidaas oo ay tahay marka uu saaxada siyaasada soo galayo waa loo wada sacab tummayaa oo waa saxar laawe.

 Mar haddii uu dhaqanka dhulkeena yaala sidaas yahay;Madaxweynaha iyo qolyaha ka ag dhaw,oo u badan dhalin yaro ku cusub saaxadda siyaasada summaysan ee Soomaaliya,badankoodna qurbaha ka yimid;waxaa la gudboon;-

  • Marka koowaad in ay jawiga laqabsadaan.Deg-degga iyo guul hawaysiga baddana iska yareeyaan oo  haddii ay shaqo ama shir iclaaminayaan ay marka hore waqtiga dheereeyaan oo ayna dadka hoosta kasoo galinin.

 

  • Marka Xigta waa in ay  ku xisaabtammaan dhaqanka dadka iyo dalka ay Maamulaan iyo duruufaha ku xeeran.Waa in ay maanka geliyaan in ay guul iyo guul daraba soo wajahi karto oo ay dejiyaan qorshe bedel ah oo haddii ay dhacdo in kan koowaad qabsoomi waayo ,ka labaad ee la qaadan karo ay kasii baaraan degaan.

 

  • Marka Saddexaad waa in ayna niyad jabin ileen markii horeba wax la hubbo kuma howl-geline,!Waa in ay fashilka u diyaarsanaadaan ileen ayaga ayaa kursigii fashilka ku fadhiyee.Xasuuso immisa madaxweyne ayaa kursigaas ku fadhiisatay oo iyagoo fashilan laga fara maroojiyay.

 

  • Waxaa kale oo ay ubaahanyihiin,dad khibrad leh oo ku xariif ah sidda loola tacaamulo dadka aan daacadnimada wax looga helin iyo kuwa toosnaanta looga caano maalaba.Dadkaasi Waa in ay ku shaqeeyaan qaab ay ku dheehantahay  ka fiirsasho iyo feejignaan badan.

Ugu danbayn,Madaxweyne;Farmaajo iyo Kooxdiisa,Haddii ayna wax badan ka bedelin  qaabka ay haatan ushaqeeynayaan oo ayna laqabsanin waaqica iyo waqtiga lagu jiro,waxaa dhici doonta in  howshoodu ay noqoto un”Ka rog oo laba saar”.Oo hadhka labadiisa gelin ay laba amar oo iska hor immaanaya soo saaraan.

Leave a Reply