Mucaaradka Kenya Oo Dib Ubilaabaya Dibadbaxyadii ay Kaga Soo Horjeedeen Doorashada.

Nairobi(FMN)-Taagerayaasha iyo xubnaha urur weynaha mucaaradka ah ee NASA ayaa maanta lagu wadaa inay dib u bilabaan dibadbaxyadii ay dhigayeen ee looga gol lahaay in isbedel lagu sameeyo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC.

Senetarka laga soo doorto ismaamulka Siaya ;James Orengo ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in mudaaharaadyada la qabanayo maalin kasta oo ayna soconayaan ilaa iyo inta laga dhaqan-gelinayo isbedelada uu doonayo garabka mucaaradka ah ee dalkani Kenya.Mr. Orengo ayaa intaasi ku daray in ;mucaardka NASA uu dalbanayo in la qabto doorasho xor iyo xalaal ah, si shacabka ay kalsooni ugu qabi karaan gudiyada madaxa banaan oo IEBC ay ka mid tahay.Senetarka ayaa sido kale ka dhawaajiyay in dastuurku uu ogolyahay in la sameeyo dibadbaxyo nabadeed taasina ay si buuxda u dhaqangelinayaan.

Todobaadkii la soo dhafay ayay ahayd markii urur weynaha mucaaradka NASA uu hakad geliyay dibadbaxyo uu sameyn jiray 3 maalmood isbuuc kasta si ay murugada ula qeybsadaan qoysaska qaar ka mid ah tagerayaasha Xisbiga NASA oo ay shegayaan in la dilay xiligii mudaharaadyada ay ka dhacayeen ismaamulada kala ah Kisumu, Siaya, Homa Bay, Migori iyo Nairobi.Hogaamiyaasha Nasa ayaa dhanka kale tagerayashooda ugu baaqay inaysan rabshado kicinin oo aysan burbur u geysan hantida shacabka .

Xigasho:-

Leave a Reply