Mu’addinkii Masjid Jaamaca Magaalada Feer-feer Oo Geeriyooday

Feer-feer(FMN)—Rabbi naxariistiisa ha uwaasiciyee Waxaa saacado ka hor guriggiisa ku geeriyooday Xaaji;Muxummed Axmed Sheekh Cali(Dakharre)oo labaatankii sanno ee udanbeeysay ahaay Mu’adinka Masjidka weyn ee Magaalada Feer-feer,sidoo kalena ka mid ahaay odoyaasha iyo waxgaradka ugu tunka weyn Magaalada.

Xaajiga oo da’diisa ahayd qiyaastii 82 sano jir ayaa noloshiisha intii badnayd kusoo qaatay magaalada feer-feer iyo nawaaxigeeda,iyadoo hadda ka horna  Xukkumaddii kali taliska ahayd ee Dergiga ay mar ku tuurtay xabsiga Alem beqaa ee ku yaala agagaarka Magaalada Zuway ee Dalka Itoobiya,halkaas oo uu in muddo ah si sharci darro ah ugu xidhnaay,balse markii danbe Alle kasoo daayay gacanta cadowga.

Alle ha unaxariistee Xaajigu waxa uu ifka kaga tagay hal xaas iyo afar iyo toban caruur ah oo isugu jira 8 rag ah iyo 6 dumar ah,kuwaas oo intooda badan ah kuwo reero  leh,qaarkoodna caruurtooda ay ilmo sii dhaleen sida ay nooo xaqiijiyeen qaar kamid ah eheladiisa oo aanu la waraysi la yeelanay.Taariikhdiisa oo faah-faahsana dib ayaanu kasoo gudbin doonnaa haddii eebbe idmo.

Ugu danbayn,haddii aanu nahay Maamulka iyo shaqaalaha Shabakada warbaahinta ee Feer-feer Media Network(FMN),waxa aanu tacsi tiiraanyo leh udireynaa dhammaanba eheladii iyo asxaabtii uu kabaxay Xaajiga geeriyooday,waxaa kale oo aanu utacsiyeynaynaa dhammaanba shacabka ka soo jeeda degmada feer-feer ee dal iyo dibadba jooga,anaga oo sidoo kalena Alle(swt)sheekha uga baryeyno naxariistiisa inuu uwaasiciyo.

Leave a Reply