Milatariga Dalka Zimbabwe Oo Soo Faragaliyay Talada Wadanka Iyo Xaaladda Oo Cakiran.

Harare(FMN)—Xaalad cakirnaan ah iyo jaha-wareer Siyaasadeed ayaa ka taagan dalka kuyaala Afrikada Koonfureed ee Zimbabwe ,kadib markii Hoggaanka Milatariga dalkaas ay Xukunka soo faragaliyeen,iyagoona ku hanjabay in talada Dalka kula wareegayaan afgenbi Milatari.

Madaxweyne;Mugabe ayaa lagu gadaamay ilaalo xoogan kadib markii ay askartu la wareegtay dhismaha baarlamaanka dalkaas iyo xarunta gaashaan dhigga. Ciidammada ayaa sidoo kale qabsaday Xarunta Warbaahinta qaranka,waxa ayna joojiyeen dhaq-dhaqaaqyadii iyo Duulimaadyadii garoonka Caalamiga ah ee Harare.

Laba wariye oo katirsan shaqaalaha ka howl-gala warbaahinta qaranka ayaa cusbitaalka loola cararay kadib markii ay ciidamadu waxyeeleeyeen,iyaga oo ku eedeeyay in ay si khaldan uga warbixiyen xaalada cusub ee dalku galay.Safaarada Mareynkanku kuleeyahay dalkaas ayaa iyana durbaba soo saartay digniin dhanka socdaalka ah oo ay muwaadiniin teeda ku wargelinayso in ay ka fiirsadaan aadida dalkaas.

Madaxweyne;Mugabe iyo Xisbigiisa ZANU-PF ayaa dhawaanahaan waday isku shaandheyn balaadhan oo ay ku sameeynayaan madaxda Ururka iyo Xubnaha Golaha wasiirada,waxaana maalmo ka hor xilkiisii laga xayuubiyay Madax weyne kuxigeenkii dalkaas.

Dad badan ayaa ku micneeyay xilka qaadista Madaxweyne kuxigeenkii dalkaas in ay tahay tallaabo siyaasadeed oo looga gol-leeyahay in booska loogu sii xaadho haweenayda Madxweyne;Mugabe ee lagu magacaabo;Grace Mugabe oo la doonayo in ay bedesho Mugabe marka uu Xilka Ka dego,taas oo umuuqata nidaam dhaxaltooyo ah oo hal qoys un ku koobaysa Xukunka dalka.

Sikastaba ha ahaate,wali si dhab ah looma oga waxa ay ku danbayni doonto xaaladan cakiran ee uu wajahayo dalka Zimbabwe oo hore oola daalaa dhacayay musuq-maasuq iyo maamul xummo baahsan oo hoos udhigtay magacii iyo Dhaqaalihii dalkaas,Saameyn adagna ku reebtay dadka reer Zimbabwe.

Leave a Reply