Maxuu Ku Saabsanaa Kulanka Taliska Ciidammada AMISOM Iyo Kuwa Soomaaliya?

Muqdisho(FMN)-Taliyaha Guud ee ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya ku sugan Lat.Gen;Cusmaan Nuur Subagle,ayaa mar kale ku celiyay sida ay AMISOM uga go’an tahay kobcinta awoodda Ciidanka qaran ee Soomaaliya ka hor inta ayna Dalka ka bixin.

Gen;Subagle ayaa hadalkani sheegay xilli uu  kulan la qaadanayay taliyaha Ciidanka Qaranka Ee Soomaaliya Gen;Cabdiwali jaamac Xuseen oo booqasho sharafeed ugu tagay taliska ciidanka AMISOM ee Muqdisho.

Gen;Subagle ayaa sidoo kale taliyaha Ciidamada Qaranka Soomaaliya oogu hambalyeey xilka cusub ee dhawaan loo magacaabay.Isaga oo sidoo kalena boggaadiyay wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxeysa AMISOM iyo Ciidamada DFS iyo dadaalka ay ugu jiraan cidhibtirka kooxda Al-shabaab si dalka nabad iyo kala danbayn loogusoo dabaalo.

Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM,ayaa yidhi,”Magacaabistaada waxa ay kusoo aadaysa xilli ay diiradu saarantahay bilaawga bixitaanka Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya jooga iyo ku wareejinta Ciidanka Soomaaliya Mas’uuliyada Ammaanka qaranka.AMISOM ahaan waxa mar walba naga go’an taageerida Ciidanka Qaranka Soomaaliya qaab walba  oo ay suuro gal kutahay si loo hubiyo in uu dhaco kala wareeg sax ah.”

Gen;Subagle ayaa ka dhawaajiyay in AMISOM iyo Soomaaliya ay leeyihiin cadow mid ah oo ah Al-shabaab oo lagu eedeeynayo mas’uuliyada qaraxii lagu hoobtay ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dhankiisana,Taliyaha xoogga Dalka Soomaliya Gen;Cabdiwali jaamac Xuseen oo ay wehliyeen saraakiil sar-sare oo katirsan Ciidamada Qaranka Soomaaliya ayaa AMISOM uga mahadceliyay dadaalada naf hurida ay ee ay wadaan wadamada ay ciidamadu  ka joogaan Soomaaliya.Isaga oo Codsaday in AMISOM si dhaw loogala shaqeeyo sidii ay sare ugu qaadi lahaayeen tayada Ciidanka Soomaaliya si buu yidhi ay u awoodaan la wareegida  ammaanka dalka.

“Maadaama uu soo dhawyahay bixitaanka AMISOM,waxa aan si adag usii wadaynaa la shaqaynta AMISOM,si ay Ciidanka Soomaaliya u hantaan mas’uuliyada ammaanka dalka,waadna mahadsantihiin ayaan idin dhihi doonaa”.Ayuu yidhi taliye;cabdiwali asaga oo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo cidhib tirka Alshabaab oo wadada uxaadhi karta bixitaan halaasi ah oo AMISOM ay samayso.

Qeyb ka mid ah qorshaha bixitaanka ee AMISOM ayaa ah in;ay ciidamadooda hoos oogusoo dhimmi doonaan ilaa iyo toban kun oo askari,taasoo ay xigi doonto dhimitaan dheeraad ah sanadka ka danbeeya.

Si kastaba ha ahaatee,bixitaanka AMISOM waxa uu ku xidhanyahay awoodda ciidanka Soomaaliya,gaar ahaan kuwa Difaaca qaranka iyo sida ay ula wareegaan mas’uuliyada difaaca dalka.Taas oo u muuqata in ay tahay mid aanu wali fari ka qodneyn.

FG;Warbixintan waxaan kasoo tarjunay bayaan lagu faafiyay Bogga AMISOM.

Leave a Reply