Maxkamada Sare ee Kenya oo Go’aan ka Gaadhaysa Awoodda Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka.

Nairobi(FMN)-Maxkamada ugu sareysa ee wadanka ayaa lagu wadaa in maanta ay go’aan ka soo saarto dacwad uu u gudbiyay gudoomiyaha gudiga madaxa banaan ee dorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC Mr. Wafula Chebukati oo uu doonayo in sharaxaad laga siiyo dastuurka.

Waxaa uu Mr. Chebukati 5 garsoore oo go’aanka soo saari doono uga fadhiyaa inay u kala cadeyaan in awood dastuuri ah uu u leeyahay in hadii uu foomamka ku arko qaladaad uu saxi karo inta uusan natiijada ku dhawaaqin.

Maxkamada ugu sareysa ee dalka ayaa xiligii ay faahfaahinta ka bixinaysay sababta keentay in daaqada laga tuuro natiijadii madaxtinimo ee doorashadii guud ee sanadkan sheegtay in gudoomiyaha IEBC uu natiijada shaciyay isagoo anan xaqiijinin macluumaadka oo anan isku barbardhig ku samaynin foomamka 34A iyo 34B.

Leave a Reply