Maxay Yihiin Qodobada Looga Hadlayo Shirka Maamul-goboleedyada Iyo DFS?

Muqdisho(FMN)—Shirkii wada tashiga ahaay ee udhaxeeyay Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulada xubnaha ka ah ayaa si rasmi ah Wajigiisii labaad uga socdaa Magaalada Muqdisho.Iyada oo uu shir-guddoominayo Madaxweyne; Farmaajo,ayna goob joog yihiin Dhamaanba hoggaamiyayaasha Maamul-goboleedyada Dalka.

Kulanka ayaa haatan la isku afgartay Ajendaha looga hadlayo oo uu muran badan ka taagnaa Maalmihii lasoo Dhaafay.Iyadoo dhinac walba uu hore uwatay qoddobo uu xiiseeynayo in lanisla jeex-jeexo.Qoddobada la isku waafaqay ee shirka diirada lagu saarayo ayaa ah shan qodob oo kala ah:-

  • Amniga.
  • Siyaasada
  • Doorashooyinka
  • Dib u eegista Dastuurka qabyada ah.
  • Hannaanka Federaaleynta.

Shirkan ayaa ku soo aadaya xilli xaaladaha ammaan ee dalka soomaaliya gaar ahaan Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho oo maalmihii udanbeeyay marti u ahayd Qaraxyo waaweyn oo ay ku nafwaayeen ju dhawaad 500 oo qof halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

 

Sidoo kale shirkan waxuu immaanayaa iyada oo uu aad u xummaaday xidhiidhkii wada shaqayneed ee udhaxeeyay Dawlada Federaalka ah Iyo Maamulada Xubnaha ka ah oo kukala aragti diwanaaday qaabka loo wajahayo Siyaasada Soomaaliya ee ku aadan Xiisada ka taagan Wadamada Khaliijka oo dhammaan Maamul-goboleedyadu ay isku raaceen in lala safto Xulafada Sacuudigu hoggaaminayo,islamarkaana Calaaqaadka loo jaro Dawlada Qatar.

Leave a Reply