Maxay tahay Sababta Uu Madaxweyne Farmaajo Maanta Ugasoo hor muuqan waayay Goleyaasha Baarlamaanka Soomaaliya?

Muqdisho(FMN)-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane;Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,ayaa maanta oo sabti ah lagu waday in uu hor yimaado goleyaasha baarlamaanka soomaaliya,kadib markii uu dhawaan codsaday in loo la isugu yeedho fadhi wada jir ah oo ay yeeshaan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya,si uu ugala hadlo xaaldaha amni ee uu haatan dalku ku suganyahay.

Hase ahaatee,kulankaasi ayaa baaqday kadib markii sida la sheegay uu madaxweynuhu ka noqday dalabkiisii hore,islamarkaana go’aansaday inaanu goleyaasha soo hor joogsanin.Warar soo baxayay ayaa sheegay in sababta ay taasi udhacday ay tahay iyadoo la ogaaday in maalinta sabtida ahi ay ku beegantahay 21ka October oo ah maalinkii uu xukunka dalka afgenbi milatari kula wareegay madaxweynihii hore ee soomaaliya Jaalle;Maxamed Siyaad Barre muddo haatan laga joogo 48 sano.

Dadka qaarkii ayaa ku dooday in ayna habboonayn in madaxweyne Farmaajo uu baarlamaanka hor tago isla maalinkaas(21ka October),si looga fogaado shaki ah inuu isaguna doonayo in uu dalbado awoodo dheeraad ah oo uu ku muuqaniyo kooxaha mucaaradka ah ee dawlada ku kacsan.

Si kastaba ha ahaatee,tallaabada uu madaxweyne Farmaajo uga laabtay dalabkiisaasi ayaa muujinaysa sida ay u habacsanyihiin go’aan qaadashada iyo qorsheyaasha madaxweynaha oo umuuqda in ay yihiin kuwa marar badan is buriyay amaba is bed-bedel ku yimid.

 

Leave a Reply