Maxaa Keenaa Cilladda Argagaxa Iyo Neef Qabadka?

Ciladda argagaxa “Panic Disorder” ama “Panic Attack” waa nooc ka mid ah ciladda wallaaca iyo welwelka. Waxaa uu keenaa argagax, oo ah dareen cabsi oo aan sabab lahayn. Waxaa badanaa lagu qaldaa xanuunka wadnaha sida wadne qabadka maadaama qofku uu dareemayo astaamo u badan dhinaca wadnaha, laakiin markii baaritaan la sameeyo waxba laguma arko, waxay kaloo dadka u saariyaa arrimo kale sida jinniga, ruuxaanta IWM.

Qofka wuxuu si lama filaan ah u dareemi karaa calaamadahaan hoose:
• Cabsi iyo welwel in qofku dhiman rabo oo kale.
• Garaaca wadnaha oo bata
• Dhidid badan
• Jarayn jirka ah
• Shafka oo ku xanuuna / Laab-ciriiri
• Neefsashada oo dhib kugu noqota
• Dareen in lagu ceejin rabo oo kale
• Lalabo iyo matag
• Dawakhaad
• Jirka meelo ka mid ah oo aad ka dareentid kabaabyo ama in wax lagu mudmudayo oo kale khaasatan gacmaha iyo faraha.

Argagaxa waxaa uu imaan karaa xilli kasta, oo meel kasta ayuu ka dhici karaa digniin la’aan.
Waxaad ku noolaaneysaa cabsi oo ad ka qabto inuu markale kugu dhaco waxaana suuragal ah inaad ka fogaato meelaha uu hore kugu qabsaday. Dadka qaarkiisa, cabsida ayaa noqota mid ay noloshooda qabaan mana ay ka baxaan guryahooda.
Waxaa laga yaabaa cabsi uu qofka ka qabo cillada argagaxa inuu dareemo inuu noloshiisa ka howlgabo, tusaale: hadduu cilladaan argagaxa ay ku qabato qofka safar dhaxdii, wuxuu ka fogaanayaa inuu safro, haddii ay ku dhex qabato suuqa, wuxuu iska ilaalinayaa inuu suuqa tago.

  • Ciladda argagaxa waxay ku badan tahay haweenka marka ragga loo eego.
  • Caadi ahaan waxay billaabataa marka dadku dhallinyaro yihiin, waxaana lagu tiriyaa xanuunada casriga, tanoo aad ugu soo badanayso dunida.
  • Mararka qaarkooda waxay billaabataa marka uu qofka haysto kadeed badan, niyadjab iyo culeys dhinaca guriga ama shaqada ah.
  • Xanuunka wuxuu qofku hayaa muddo gaaban sida 10 illaa 15 daqiiqo, kadib caadi ayuu ku soo laabtaa.
  • Dadka badankiisa ayaa daaweynta ku bogsada.


Daaweynta waxay ku tusin kartaa sida loo aqoonsado islamarkaana loo beddelo qaabka aad u fakarto inta aysan keenin argagax. Daawooyinka ayaa sidoo kale ku caawin kara.
Xanuunkaan marka ugu horreyso wuxuu u ekaan karaa cillad wadnaha ku timaado sida Wadne Qabad oo kale, laakiin markii wadnaha la baaro wax cillad ah laguma arko.

Haddii aad dareemayso cilladaan waa muhiim in aad la xiriirto dhakhtar ku taqasusay cudurrada cilmu-nafsiga isagaa kaa caawin doono xanuunkaagaa insha’llah, waxaa jiro siyaabo kala duwan oo ay ka mid tahay wada sheekaysi, jimicsiga neefsasahda iyo mid jir ahaaneed, daawayn iyo siyaabo kalaba.
Fadlan ku dadaal quraanka iyo alle ku xirnaanta, dad badan oo xanuunkaan qabo waxay ku raystaan quraanka markii lagu akhriyo iyo markii ay akhriyaanba maadaama uu ka khafiifinayo xaaladda kadeed ee markaas ku jiraan.

Xuquuqda Qoraalkan Waxaa iska Leh:-

Leave a Reply