Maqaalada

Mire, Hurre iyo Gabadh Godban!.

Waxaan jeclaysanay inaan Akhristayaasha sharafta leh ee kutaxan boggani,lawadaagno mid ka mid ah sheekooyinka murtida iyo suugaanta miidhan ah ee uu qoray Qoraaga weyn ee Cawaale Xuseen.Sheekadan oo markii hore kusoo baxday bogga suugaanta iyo taariikhda soomaalida  ku xeel dheeraaday ee doollo.com.Haddaba,waatan sheekadii eeHalkan kaga bogo :

 

Waa horraantii 1970aadkii.  Waa Muqdisho.  Waa casar gaaban.  Fadhi si fiican u agaasiman ayey fadhiyaan, wayna qayilayaan.  Dareenka fadhigu wuxuu ku faruurxidhan yahay xidaar tabin og oo ay hadalkiisa aad ugu dhuundaloolaan.   Taariikh, suugaan iyo xikmad ayaa magow ah oo ay ka dhamayaan.  Gayiga ragga loogu dhagaysi badan yahay ayuu ka mid yahay, si miiggan ayuuna u lafogurayaa murti shiilan oo sogordoh iyo miisaan ku ladhan yahay.  Wax la isku sooro oo murti laga bido ma jiro sidaa awgeed aad ayey u dhuuxayaan.  Waxay isla markaa si nuxuus ah u dhagaysanayaan Raadiyow Muqdisho. 

Goortay yeedho garridii warka Raadiyow Muqdisho ka horraysay ayuu midi yidhaahdaa “u kaadiya aan warka dhagaysanee.”  Qaddar ayey sugaan ninkaa war ku noolka ah.  Durbase waxay u rogmadaan ku mayracashada qisooyinkii taariikhiga ahaa iyo maansadii ku iidaanayd. Heesaha waxay u arkaan madadaalo aan raandhiis lahayn sidaa awgeed ma ay xiiseeyaan.    

Iyaga oo sidaa u xasilloon ayey irdho ka dhex kacday.  Raadiyow Muqdisho ayaa Soomaali oo dhan ku caraystay! Car waa qofkii sheega!  Nin raggii majliska fadhiyey ka mid ah ayuu xujaysigaasi si gaar ah u taabtay. 

“Sug, sug” ayuu yidhi. 

Mid moog dareenka ninkaa ku dhashay ayaa hadalkii sii waday.  Kolkaa ayuu ninkii dareenku galay wuxuu si canaani ku yara jirto u yidhi “war adeerow u yara kaadi.” 

Shib qardam.  Nuuxsi ma leh. 

Raadiye Muqdisho:

“dadweynaha waxaa laga codsanayaa inay soo sheegaan erayadan soo socda waxa ay af Soomaali ku noqon karaan.  Dhakhtar, telefoon iyo raadye.  Qofkii erayadaa af Soomaali habboon usoo hela waxaa lagu abaalmarin lacag intaa iyo intaa ah” 

Waa beeso jawaan muggii ah oo qofkii jeebka ku hubsada aanu muddo ka fakhriyeynin.

Xujodii Raadiyow Muqdisho waxay fadhigii ku dhalisay dood kulul.  Dhakhtar, telefoon iyoraadye waxa af Soomaali lagu yidhaa lama helayo iyo waa la helayaa ee innaga ayaan aqoonin.  Waa magacyo qalaad oo qalab iyo sanco shisheeye summad u ah.  Sidee baan af Soomaali ugu heli karaa?  Maxaase bulshada wax aan suurogal ahayn loogu hawlayaa?  War seed wax leedahay; dhakhtarnimadu ma sanco shisheeyaa?  Allow yaa reer miyiga su’aala!  Way isku gawso beeleen. 

Xidaarkii tabin ogaa markiiba jeebka ayuu laacay.  Qalin ayuu soo dhufsaday, waraaq uu ku xariiqo ayuuse waayey.  Isaga oo yara gaardaymoonaya ayuu haahaabtay, mase taabin wax waraaq ah oo uu fikirkiisa ku kaydiyo.  Baakidh sigaar oo hortiisa yaalay ayuu midhadhkii ku hadhay ka daadiyey oo uu lasoo baxay waraaqdii ma-gubotada ahayd ee sigaarka ku dahaadhnayd.  Saddex magac ayuu si dhakhso ah isu dabadhigay.  Intuu isku laabay ayuu jeebka ku ritay.  Dabadeed wuu u dhagooleeyey. 

Intoodii kale ayaa sii dhubqaaliyey.  Qaarkood haasaawe qulub ah ayey u baxeen, isagase maskaxdiisii ekayd ayaa cargaagtantay.  Su’aashii Raadiyow Muqdisho ayaa carisay.  Su’aashu ma mudan tahay in dadka lagu mashquuliyo? Wax shaqo guri laga dhigo ma tahay?  Waase kuma macallinka jaangooyey shaqadan guri?  Ma maanso-lugaleey aan cimri mooye caqli sheegan karin baa? Ma macallin ardaygu ka aqoon iyo aragti dheer yahay baa?  Ma macallin kobciya midba midka uu ka tacliin ama damiir xun yahay baa?  Ma macallin ay agtiisa liite iyo sawac miidhan dhooban yihiin baa?  Ma midkii uu muddo gaaban ka hor qabcadan ku dhangadeeyey baa?

Cilmi iyo caqliba kii lahaa waa la caydhsadaye*

Caydh bay u rogoyaan qofkii cuud lahaan jiraye

Culimo-aw-diinkii wakaa haadku cunayaaye

Caruurtii wax soo baran jirteey cunaha gooyaane

Cimrigii jiryoow kaan lahayn amase caynaan hay

Canjeeliyo sidii rootibaa loo calaashadaye

Sidii awr garbuhu caabuqeen cadhadhaq weynaaye

Soomaaliya waxay caabuddaa kalab calool weyne.

Ma macallin seeftii waalida jeeniqaarsan baa?  Ma mid siqiirka dubtaa?  Ma kii uu meerisyadan ku suntay baa?

Markuu yidhi sareedo iyo cilmigaa saami kore yeelan*

Dadkii faraxu saaqee islahaa sayniskaad barani

Inta kii siyaadsaday tacliin saaqid lagu sheegay

Muxuu uga sarraysiin mid aan xaashi qalin saarin? 

Sidee baa ninkaa macallin loogu sheegi karaa!  Yuuse macallin u yahay?  Ma isma-dhaanto iyo dhasheed baa?  Ma dad aan abdo lahayn oo meel daran loo wato baa?  Mooji, waa hore ayuuse ka quustay laakiin wuu ku qasban yahay inuu iska dhex luudo inta uu ka hurayo.    

Isaga oo aayo xumada ummadda haysata ka calool xun ayuu aqalkiisii u guuregalay. Isagu ma aha nin jaadku qaadiro, wahsi ama hurdo la’aan uu u keeno. Wuxuu karaa inuu seexdo marka uu sidaa taqsiinta u tufaba.  Salaaddii cishe ayuu tukaday wuxuuna isu diyaariyey jiif ileen jarmaade ayaa sugaya ee.    Intii aanu wali sariirta tagin ayey kol kaliya sheeko xiiso lehi kusoo dhibicday.  Dindinka sheekadani ma aha muus hadda uun kusoo duxay ee waa mid hore saabka uga hugmayey oo ay doogtiisa kaakicisay waydiintii Raadye Muqdisho.  Waa ilraxan muddo ku liqdaarnaa.    

Qalin iyo bayaad ayuu dhufsaday.  Wuxuu qoray: “Aan kaa barto oo aan kugu xukumo.” Taasi waa sheekadii ay jilayaasha ka ahaayeen Ma-waayeele, Nacnac-muudsade iyo Madhane-iimaan-la’.  Waa sheekadii dhextaalkeedu ahaa takartii maroodiga liqday, dhammaadkeeduna ahaa qalanjadii bakaylaha umashay.  Waa mool guntiisu aanay muuqan, garbahiisuna ay ili-ku-wareertay yihiin.  Ilbiriqsiyo dabadood ayuu jiitin dheer dusha ka saaray.  Maalin iyo meel kale ayuu u kaydsaday sheekadaa dhakafaarka leh.    

Mid cusub ayuu unkay.  Wuxuu qoray “Mire, Hurre iyo Gabadh Godban.” Taasina waa summadda sheeko dheer oo dhammaadkeeda dhexsinka ahi yahay: “Marwadiisii inay celis u tahay, muddaci-gawrac markhaatigiisa wata ayaan ahay.” Halkaa markuu marinayo ayuu gataatidhacay. 

Subixii ayuu tagay goobtii shaqada isaga oo aan soo luumanin sheekadii qabyada ahaydna gadaanka ku wata.  Kursigii uu fadhiisan jiray mid aan ahayn ayuu kasoo jeedsaday.  Waxa uu kala dhex fadhiistay labo qaryaan oo uu mid walba adeer ugu yeedho.  Labadan nin midina abtir ahaan adeer uguma aha ee waa uun isir garasho iyo da’.  Wuxuu mid ahaan walba kula kaftamaa inuu yahay “garasho baqaysa” iyo “geesi fulayoobay.”  Iyaguna waxay isku difaacaan “war meesha waanu ku indho-qarsanaaye, sida aad jeceshahay uma hadli karro ee, adeerow is dhuub.”   “Uma dhalan” ayuu isna u celiyaa.  Labadii qaryaan ayuu isu soo jiiday si ay si siman weedhiisa ugu maqlaan.  Wuxuu ku yidhi:

“Sheeko ayaan wataa ee adeerayaalow hayga fasirina.  Idinka idiin ma socoto, laakiin idil xubnoha kale ee golaha kolba kii doona waa uu isku dayi karaa.” 

“Maxay tahay sheekadu?”

“Mar aan fogayn ayaad maqli doontaan ee sidaa heshiis ma ku nahay?”

“Aqbal iyo guddoon.”   

Ijaabo ayaa golihii xaadirisay.  Joogayaasha waxaa ka mid ah qudheeda, Asli, Abyad, Iniq, Aw Bastii, Aamusane, Isqor, Sahwi iyo labadii adeer, Xariir iyo Nooli.  Maqanayaasha waxaa ka mid ah Gododle, Garays-xume, Gabgableeye, Goor-xun-socde, Wayso-gilgil, Makhaayad-camire, Haween-la-haasaawe iyo kuwo kale.  Joogayaasha iyo maqanayaasha waxaa tiro badan oo karti roon maqanayaasha hase yeeshee waa la faquuqay.  Joogayaashu xoogaa carrabdhaq ah ayey meesha ku qabaan.  Si kastaba ha ahaatee, shir guddoonku waa Ijaabo iyada ayuuna liisku horyaalaa.  Waxaa loo kuurkuursaday ibobixinta fadhiga.  Wuu ugu hor hadlay.  Wuxuu yidhi “bal sheekadan ila dhagaysta”  wuxuuna ku bilaabay:      

Xilli lagu jiray diraac goodlaha gurkiisa hore ayaa lasoo habsaday dabdhawrta ceelka.  Oonbaxa ka dib, guurtidii waxay u fadhiisatay arin dhexmartay Mire iyo Hurre oo ku saabsan gabadh godban.    Arintoodii markii maalin iyo labo laga hadlay ee la is qabadsiin waayey ayaa waxaa loo riixay geed jinac leh. *  

Markii diraacda gurka dhexe la joogo ayaa wuxuu ka muuqday hal fadhigeed.  Laba faras iyo labo nin oo lagu kalsoon yahay ayaa la tuuryeeyey.  Saddex habeen ayey dhexeen.  Way yimaadeen.  Ho’le ayaa la noqday.   Jooge-jooge iyo jalaqle ayaa lagu socday.  Barqadii dambe ayaa waxaa lasoo gaadhay tiixii.  Waxaa loo dhaafay tumaygii.  Waxaa xigay fara-qaradhkii.  Haddana waxaa la gaadhay jalaqlaydii.  Kolkii ay suxul marayso ayaa laga daadiyey. 

Dhulkaasi wuxuu ahaa dhul furfur ah ee ma ahayn dhul shiir ah.  Kolkii laba habayn loo hoyday oo rayskii lagu fadhiistay ayaa waxaa yimid  dalmaseeye.  Nin waliba hoostiisa ayuu ka cabbay.  Labo todobaad ka dib, xaajo-kaakiciskii ayaa reeraha loo diray oo wariyey.  Geed jinac leh ayaa la isugu yimid.  Labo agmad,  afgaroocii Mire iyo elinqalladkii Hurre ayaa isu bariiqo-daadsaday, waana jilib-carro.  Waxaa fadhiya dhammaan qayrooyinka intii kansho haysay, waxaana meesha lagu arkaa oo is gargaranaya ninqartii.  Waxaa diyaar ah ninkoodaa, qaryaan, abwaan, uurkubaalle iyo garyaqaan oo dhan.  Ragbaa meesha ka batay.     Gartii waxay timid markhaati iyo dhaar. 

Afgaroocii Mire ayaa yidhi:

Ninkan labo goobood oo hore ayaan kaga garhelay.  Arintan aynu ka hadlayno iyo markhaatigaa uu kolba yeedhinayo waan ka afeefanayaa ee ha la ii qoro. 

Sheeg baa la yidhi. 

Wuxuu yidhi:

Todobada siinka ka bilaabata ee aan idiin sheegi doono markhaati iguma furi karaan.  Ciddii kale ee la keeno isaga aabihiina ha noqdee ayaa igu furi karta. 

Waa kuwee todobadaasi? 

Waa:

          nin sireed,

nin sooreed,

nin saf,

nin sarsar,

nin sineed,

nin sabi ah, iyo

nin sirqoobay. 

Todobadaa nin ha layga ilaaliyo.  Waana ii dhaabad! 

Elinqalladkii Hurre ayaa hadlay oo yidhi:

Ninkan meesha taagan ee uu leeyahay labo goor oo hore ayaan ka garhelay:

waa muluh,

waa malah,

waa moordilab,

waa ma mahiibe,

waa ma maquunshe,

waa muctul,

waa mayeedhaan,

waa meel-meel-joogta,

madaqsi buu kaga qaatay,

mardabuu kula dooday,

mahoobina wuu kaga haystaa. 

Mar haddii uu saa yahay marwadiisii inay celis u tahay, muddaci-gawrac markhaatigiisa wata ayaan ahay.

“Sheekadaa ka warama?” ayuu yidhi. 

Mire, Hure iyo Gabadh Godban ma aha sheeko uu caqliga kasoo tuujiyey ee caqliga ayaa isaga ka tuujiyey.  Si kale haddii loo dhigo, sheekada ayaa ka adag ee isagu iyada kama uu adka.  Sidaa ha ahaato laakiin si xidhiidhsan uma uu tabin karin maxaa yeelay hakadgelin joogto ah ayuu dhagaystayaasha kala kulmay.  Labo xaraf kolkii uu sheegaba jooji aanu qoranee ayaa yeedhaysay. 

Ijaabo labo indhood oo toosh ah ayaa kasoo hadhay.  In kasta oo laga rabay inay shirka hagto, haddana qof yara farganaxsan ayey u muuqatay.   

Abyad kolba wuxuu lasoo boodayey “u kaadi aan qortee.”

Isna wuxuu ku jawaabayey “waan kusoo celin ee aan dhammeeyo.”

Kolkuu dhammeeyey ayuu Abyad yidhi:

“Ma buug baad kasoo minguurisay?”

Waydiintaa lama uu yaabin maxaa yeelay Abyad wuxuu ahaa nin nidaam tixraaca buugga ku daran lagu soo anqariyey.  Runtii shisheeye af Soomaaligu dool ku yahay oo inta magaalada lagaga hadlo uun yaqaana ayuu ahaa.  Sheekaduse waxay la tiinbatay waayihii, dhacdooyinkii iyo xilliyaddii dhaqanka reer guuraaga Soomaaliyeed.   

Aamusane waa uu isdhiibay.  Inuu isdhiibay waxaad ka garan kartaa odhaahdiisii ahayd: “Anigu inay sheekadu af Soomaali tahay ayunbaan garan.  Habayaraatee dulucdeeda ma fahmin.” 

Xariir ayaa waxaa soo dhaaftay:

“Wagar, haddaa maxaa meesha ku keenay.”

Meesha uu leeyahay maxaa ku keenay waa gole loogu talogalay khubaro afka iyo dhaqanka ku xeeldheer asii mudanayaashu ku yar yihiin. 

Isqor afkuu tuurayaa, meel uu ka barmarsan yahayse cidi ma garan.  Wuxuu caan ku ahaa oo horay loogu karhay uusmiirasho aan hufnayn.  Yaase dan ka leh, garab iyo aano ayuu markii horeba shaqada ku helay loogana hormariyey mudanayaal badan.  Waxaa la yidhaahdaa ilbaxnimadiisu waa eex iyo abtir xul oo kaliya. 

Iniq dhawdhawduba ma dhacsana.  Wuu iska dhex batalaqsanayaa, xoogaaga luflufka ah ee uu helo ayaana wax walba uga daran. 

Sahwi waxaa lagu sheegaa inuu yahay dhuqurjaa, jacjuun ah oo hinaase badan.  Waxaa la yidhaahdaa waa qafalmarjac aanay gari galin kana baxin!  Waxaa kale oo la yidhaahdaa talo keen iyo talo raac midna ma aha, taladii qof kale keenana wuu ku xajiimoodaa.  Eeggan la joogo sheekada ayaa dhibaysa oo wuu takaradhabanayaa.    Intaaba waxaa ka daran oo la yidhaahdaa ninku waa war-xumo-tashiil aan, sida Iniq, sandareerada yar ee uu helo mooyee hami iyo himilo kale toona lahayn.

Nooli ayaa si quudhsi ka muuqdo u yidhi: 

“Daqsi ururyoo haan bujin waa!  Wiilku af Soomaali miid ah ayuu ku hadlay ee maxaa dhacay si baad u foorartaane!?”

Xidaarku wuu ogaa dadka meesha lagu uruuriyey, Xariir iyo Nooli oo ahaa labo nin oo digojabiyey ma ahee, ruux kale oo garan karaa in aanu ku jirin.  Garasho daayee, miidaankay kaga baran lahaayeen in aanay lahayn ayey la ahayd.           

Kolkay male-awaalkii ku canbuseen ayey isagii dib ugu noqdeen.  Waxay codsadeen in uu hadalka u jilciyo iyaga oo leh “abwaan, sheekada noo fasir?”

Erayga abwaan ee ay silac-dilayaan ayuu dhibsaday.  Wuxuu garwaaqsaday in aanay garanaynin abwaan, halabuur iyo gabayaa tilmaamaha kala sooca iyo kuwa isku sidka.  Isagu abwaan wuxuu u yaqaanaa nin aayotalis ah, xikmad badan oo aan hadlin in la kallifo ma ahee.  Gabayaa ma aha abwaan, abwaanna ma aha gabayaa.  Gabayaa waa halabuur, halabuur kastaase gabayaa ma aha.  Qof gabayaanimo iyo abwaanimo isku darsaday sidii Garaad Wiilwaal iyo Sayid Maxamed Cabdille Xasan waa la arkaa, waase dhif iyo naadir.  Sidaa ayey isaga ugu kala soocan tahay.  Iyaguse nin Alla ninkii halabuur leh abwaan ayey ugu yeedhaan.  Waa kaaf iyo kaladheeri!  Kuwii Raadye Muqdisho ka halbootaalaynayey ayuu la yaabanaa kuwan wax la biday ayaase ka daran.  Tollow iyagana yaa macallin u ah?  Ma isla kii hore?  Ma tuug mareegaale ah baa?  Ma aabbihii musuqmaasuqaa?  Ma kii uu Maxamed-dheere Macallin gabayga mariyey baa kolkii uu lahaa:

Nin indha la’ mid kale oo indha la’ oon waxba arkaynin

Ileen oodda kama leexiyoo ilin ma aadsiiyo

Waa isumaciirsato!  Waa dameer iyo labadiisii dhagood!  Waa ummad dhakada lagu socodsiiyey oo qawraarin baas ku sii siqaysa.    

Naqdi noocaa ah ayaa madaxiisa ku meeraystay.  Kol dambe ayuu wuxuu yidhi “sheekada waan idiin jilcin doonaaye, ma soo afurin ee aynu biririf yar qaadano si aan shaah uga soo qabsado makhaayadda.”  Ijaabo arintaa waa ay waafaqday waxayna cayintay 30 daqiiqo oo lugo baxsi ah.  Wuu dhaadhacay.  Leexay oo intuu waddadii weynayd ee xarunta hor mari jirtay u baxay ayuu taksi u gacanhaadiyey.  Aqalkiisii ayuu u baqoolay.  Dukaan uu jaadka ka iibsan jiray ayuu sii maray oo uu marduuf gollanka gashaday.  Qadada ka dibna wuu raadgatay.  Baalkaa wuu rogay; Mire, Hurre iyo Gabadh Godbanna afkiisa habeenkaa cidi ka ma maqal.  

Subixii xigay ayuu shaqadii yimid.  Subaxaa aad ayaa loogu kashleeyey.  Waxay aad ugu soo celceliyeen:

“abwaan, bal sheekadii shalay keen.  Wax Alla wixii aad rabto na warso laakiin sheekadii aanu kaa helno. Haddii aad doonto macallinka xataa waanu kuu gayn.” 

Wuu naxay. Macallinka ay sheegayaan waa kii aynu kor kusoo aragnay.  Wuxuu ku jawaabay

“ninkaa danba waanu isu arki laakiin sheekadii taksigii aan shalay halkan ka raacay ayaan kaga dhextagay oo way luntay.”

Bil ayaa la baryayey, gunno xoog lehna waa loo ballanqaaday.  Laakiin ra’yigiisu in aanu abqo-lulka u jixin, garashadiisuna boolaxgurdaha in aanay ka libiqsan horaa loo ogaa.  Way ka luudeen markii ay dhinac walba ka mareen waxbase ay ka dhiijin waayeen.       

Saddexdiisii shaqo middii ugu munaasabsanayd halkaa ayey ku burburtay.  Labo caajis ah ayaa usoo hadhay, iyagana dhawaan ayuu ka ruqsaysan doonaa.  Laakiin waraaqdii uu baakidhka sigaarka ah kasoo saaray waxaa ku dhignaa jawaabtii su’aashii Raadiyow Muqdisho oo ahayd:

“maareeye, katiin iyo danani.”

Erayadaasi Dananiga Muqdisho ma gaadhin sababo badan awgood.

~~~~~~~~~~~~~~~

* Xuquuqda hadalka ka bilowda Xilli lagu jiray diraac goodlaha gurkiisa hore kuna dhammaadamuddaci-gawrac markhaatigiisa wata ayaan ahay, iyo meerisyada gabayga ahiba waxay u dhawran tahay caalimkaa, aftahanka iyo gabayaaga ah ee ay sheekadu ku socoto.  Eraybixinta ah maareeye, katiin iyo danani na wuxuu ugu deeqay bahweynta af Soomaaliga ku hadasha. 

Ila soo xidhiidh haddii aad hesho furaha sheekada. 

http://www.doollo.com/mainpage/Maqaalada/mire.htm