Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya;Xassan Sheekh Maxamuud oo Ka Tacsiyeeyay Qaraxii Muqdisho Shalay Galab Ka Dhacay.

October 29(FMN)—Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane;Xassan Sheekh Maxamuud oo haatan ah Xubin kamid ah Golaha Shacabka ee Soomaaliya, ayaa ka tacsiyadeeyay Musiibaddii ka dhalatay Qaraxii shalay galab lala beegsaday Huteelka Naasahablood 2 ee kuyaala badhtamaha Magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook-ga ayuu si faah-faahsan uga hadlay dareenkiisa ku aadan dhacdadaas. Isaga oo ugu horeyna si guud ugu tacsiyeeyay Shacabka Soomaaliyeed ee ay waxyeeladu kasoo gaadhay Qaraxaas.Waxuuna Qoraalkiisa Ku yidhi;

“Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi raajicuun.Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan qoysaska iyo ehelada intii ku geeriyootay falka arga-gixisada ee shalay ka dhacay Hoteel Naas-Hablood ee magaalada Muqdisho. Waxaana EEBBE uga baryayaa inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna waxaan Eebbe uga baryayaa inuu caafimaad deg deg ah siiyo”

Si kastaba ha ahaatee qaraxii shalay oo ay ku geeriyoodeen kudhawaad 30 qof ,tiro kale oo badana ay ku dhaawacmeen ayaa kusoo aaday xilli ay bulshada Soomaaliyeed wali la muraygaysantahay Musiibadii qaran ee 14kii Bishan October ka dhacday is-goyska Zoppe ee Magaalada Muqdisho oo ay ku halaagsameen dad lagu qiyaasay 400 oo ruux,Khasaare Maaliyadeed oo aad ubalaadhana geystay.

Leave a Reply