Madaxweyne;Siilaanyo Oo Xadhiga Ka Jaray Dhismo Cusub oo Laga Hirgaliyay Magaalada Burco.

Hargeysa -FMN- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Lamagac baxday Somaliland, Mudane;Axmed Maxamed Silaanyo ayaa xadhiga ka jaray dhisme casri ah oo Wasaaradda hawlaha guud iyo guryaynta Somaliland ka dhisatay magaalada burco ee xarunta gobolka togdheer.

Dhismahan oo ka kooban laba dabaq oo si casri ah loo dhisay ayaa loogu tallo galay inay ku shaqayso wasaaradda hawlaha guud iyo guriyaynta.

Madaxweynaha Somaliland ayaa uga mahad celiyay wasiirka wasaarada hawlaha guud mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) dadaalka dheer ee uu galiyay sidii loo hirgalin lahaa dhismahan casriga ah waxaanu yidhi “Aad baan idiinkaga mahad celinayaa dadaalka aad u gasheen inaad gurigan dhistaan hambalyo hambalyo dhamaan hawlwadeenada wasaarada hawlaha guud” ayuu yidhi Madaxwayane Axmed Silaanyo.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xadhiga ka jaray dhisme cusub oo lagu daray wakaaladda biyaha ee magaalada burco.Ka dib waftigii ballaadhnaa ee uu hogaaminaayay madaxweynuhu waxa ay galabta dib ugu soo laabteen caasimada Hargaysa.

Xasuusin:-Xogtan waxaa nala wadaagay Mudane;Cabdiqaadir Barkhadle oo katirsan Safaarada Soomaaliya ee Turkiga.

Leave a Reply