Madaxweyne;Farmaajo Oo Xalay Ka Qeyb-galay Xafladda Furitaanka Ol-olaha Nabadeynta Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Muqdisho(FMN)—Madaxweynaha JFS Mudane;Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa khudbad ka jeediyay Furitaanka Ololaha Nabadgelyada Degmooyinka Gobolka Banaadir ee lagu qabtay Xarunta Janaraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa goobta ka jeediyay khudbad dheer oo ubadnayd guubaabo iyo dhiiragelin ku wajahan siddii dalka looga looga xoreyn lahaay waxa uu ugu yeedhay,”Cadowga ugu Weyne e Soomaaliya”,isaga oo xusay in dalku haatan ku jiro xaalad dagaal oo qadhaadh.

Madaxweyne;Farmaajo ayaa sidoo kale dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay qeyb libaax ka qaataan howlaha nabad kusoo dabbaalida dalka iyo dib udhiskiisa,isaga oo dadkii goobta isugu yimid weydiiyay,”in ay diyaar uyihiin ka qeyb qaadashada dagaalka loogu jiro nabadaynta iyo xassilinta guud ahaan dalka gaar ahaana magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Madaxweynuhu waxuu khudbadiisa kusoo hadal qaaday weeraradii udanbeeyay ee ka dhacay magaalada muqdisho ee ay dadka badan ku halaagsameeen kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay sababeen midnimo is fahan dhex-mara maamul-goboleedyada iyo Madaxda DFS.

Sikastaba ha ahaatee Dawlada Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne;Farmaajo ayaa marar badan ku dhawaaqday in dalku galay xaalad dagaal,inkastoo ayna wali muuqanin guluf dagaal iyo guulo muuqda oo ay Sameeyeen Ciidamada Dawlada iyo Saaxiibadooda AMISOM iyo gooobo muhiim ah oo ay la wareegeen toona.

 

Leave a Reply