Madaxweyne;Farmaajo oo Dhambaallo Tacsi ah ka helay Qaar kamid Madaxda Caalamka.

Muqdisho(FMN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane;Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhambaallo tacsi ah waxaa soo gaarsiiyey hoggaamiyaasha qaar ka mid ah waddamada dariska iyo kuwa caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane;Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Uganda Mudane;Yoweri Museveni iyo Boqorka Urdun Cabdalla Binu Xuseen ayaa khadka teleefanka kula soo xiriiray Madaxweyne Farmaajo, iyaga oo u muujiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sida ay ula murugeysanyihiin.

Sidoo kale, waxaa dhambaallo tacsi ah u soo diray Madaxweynaha, Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Binu Cabdi Casiis, Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed Binu Salmaan, Amiirka Qatar Tamiim Binu Xamad iyo Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Ordugan.

Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey madaxda la soo xiriirtay sida ay Soomaaliya ula qeyb-sanaayaan dareenkooda walaaltinimo iyo kan saaxiibtinimo.Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu u sheegay Madaxdii la soo xiriirtay, in dagaalka lagula jiro argagixisadu uu yahay mid caalami ah sidaas daraadeedna ay tahay in si wada jir ah loo wajaho.

=Xigasho=

Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya.

Leave a Reply