Madaxweyne;Farmaajo Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay.

Feer-Feer(FMN)—Madaxweynaha Soomaaliya Mudane;maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa soo afjaray safarkii uu kumarayay qaar kamid ah wadamada Bariga afrika ee ay Ciidamada Nabad ilaalinta ahi ka joogaan Soomaaliya,Waxuuna maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Safarka Madaxweynaha iyo waftigiisa oo ahaay mid qaatay muddo afar cisho ah ayuu kusoo maray wadamada Uganda,Itoobiya Iyo jabuuti,isaga oo madaxda wadamadaasi kalasoo xaajooday xidhiidhka iyo Iskaashiga Dawladiisa kala dhaxeeya,Gaar ahaan dhinaca ammaanka iyo ladagaalanka kooxaha argagaxisada ah.

Wadammadan ayaa madaxweyne Farmaajo ubalan qaaday in ay garab iyo gaashaanba ku siinayaan gulufka Colaadeed ee uu doonayo inuu dhawaan ku qaado kooxda Alshabaab oo la rumaysanyahay in ka danbeeyeen weerarkii ay dadka badan ku dhammaadeen ee 14kii bishan October ka dhacay isgoyska Zoppe ee magaalada Muqdish.

Xeeldheerayaasha siyaasada ayaa aamminsan in Xukummada farmaajo ay ka gaabisay galaan-galka iyo la jaad qaadidada siyaasada wajiyada iyo danaha badan ee ka jirta bariga afrika,isaga oo marar ka baaqsaday inuu booqdo qaar kamid ah wadamada gobolka oo uu u arkayay in taasi ay wax udhimmi karto taageerada ay uhayaan shacabka soomaaliyyed oo iyadu ku kooban af kahadal un.Balse waxa ay haatan ummuuqataa inuu cabsidaasi dhinac iska dhigay,garwaaqsadayna saameynta ay wadamadaasi ku leeyihiin guud ahaan gobolka gaar ahaana soomaaliya.

Si kastaba ha ahaayee;socdaalkan uu madaxweyne farmaajo maalmihii lasoo dhaafay dalka dibadiisa ugu maqnaay ayaa la aaminsanyahay inuu yahay mid uu boorka ooga jafayo siyaasadiisa arimmaha dibada,gaar ahaana xidhiidhka uu laleeyahay wadamada deriska ah iyo kuwa kale ee ay soomaaliya ka joogaan Ciidamada nabad ilaalinta ah ee AMISOM.

 

Leave a Reply